PSG Oo Soo Bandhigtay Faa’iidada Dhaqaale Ee Layaabka Leh Ee Ay Ka Heshay Lionel Messi

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa lacag ka badan €700 milyan oo Euro ka faa’iidday xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ee xagaagii ay sida xorta ah ugala soo wareegtay Barcelona, waxaanay kooxda reer France ku naaloonaysaa heshiisyo ganacsi oo ay lacaog badan kasoo gashay oo uu ku hoggaamiyey Lionel Messi.

Xiddiga reer Argentina ayaa heshiis laba sannadood ah u saxeexay PSG, waxaana loo ogolaaday in sannadkii uu mushahar ahaan u qaato €40 milyan oo Gini, hase yeeshee sannad saddexaad oo dookh ah ayaa ku jira qandaraaskiisa.

Paris Saint-Germain ayaa waxa 13 boqolkiiba sare u kacay daawashadeeda, waxaana ay heshiisyo uu isagu usoo jiiday ay la gashay shirkadaha Dior, Gorillas, Crypto.com, PlayBetR, GOAT, Smart Good Thins, Volt, Big Cola, Sports Water iyo Autohero.

Advertisements

Faahfaahin lagu daabacay wargeyska El Economista ayaa waxa lagu sheegay, in kooxda uu si weyn dakhligeedu sare ugu kacay intii uu kusoo biiray Lionel Messi. Marc Armstrong oo ah agaasimaha waaxda ganacsiga PSG, ayaa sheegay, in dakhligoodu kordhay inta u dhaxaysa 30 boqolkiiba illaa 40 boqolkiiba, marka la barbar-dhigo halkii ay kooxdu taagnayd ka hor  intii aanu isagu imanin. Meelaha rikoodhka waallida ah ay kasoo hooyeen ayaa ah iibka garanka Lionel Messi oo dunida iskaga gubtay muddo kooban gudihii, iyadoo dukaamada kooxda ay buux-dhaafiyeen taageereyaashu.

Brand Finance ayaa sannadkii hore sheegtay, in Barcelona ay lumisay €137 milyan oo Euro oo ahaa 11% dakhligooda oo ka imanayay iibsiga garamada Lionel Messi, laakiin warbixino kale ayaa sheegaya in Barcelona ay sannadkii €200 milyan oo Gini ay ka samayn jirtay iibka garamada ay ku qoran yihiin ‘Messi 10.’

Markii uu yimid Paris Saint-Germain, waxa cirka isku shareeray qiimaha garamada kooxda reer France. Iyadoo hore garanka kooxda loogu iibsan jiray €90 Euro, waxa uu noqday €160 Euro, waxaana 60% ay taageereyaashu iibsanayeen garanka ‘Messi 30’.

Iibka garamada uu magaciisu ku qoran yahay, iyo shirkadaha heshiisyadooda uu Lionel Messi usoo jiiday PSG, waxay kooxda reer France ka samaysay sannad gudihii lacag sare u dhaafaysa €700 milyan oo Euro.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada