Kooxda kubadda cagta PSG ayaa isku diyaarinaysa sidii ay uga guuri lahayd garoonkeeda Parc des Princes kaddib maarkii ay isku dhaceen mayorka magaalada Paris oo u diiday inay kusii ciyaaraan garoonkan oo hoy u ahaa tan iyo sannadkii 1970kii.
PSG oo la aas-aasay sannadkii 1970kii, ayaa waxay kulamada garoonkeeda u isticmaali jirtay Parc des Princes oo dhawr sannadood ka hor ay £75 milyan oo Gini dibu-dhis ugu sameeyeen, balse dhibaatada jirtaa ay tahay in aanay mulkiileyaal rasmi ah ka ahayn garoonka.
Duqa magaalada Paris oo lagu magacaabo Anne Hidalgo ayaa waxay sheegtay in aanay caasimadda Faransiisku garoonkan ka iibinayn PSG, taas oo ka dhigan in kooxdan albaabka laga saarayo oo ay garoonkan ka guuri doonaan.
Paris Saint-Germain ayaa la sheegay in ay doonaysay in ay £440milyan oo Gini dibu-dhis dheeraad ah ugu samayso garoonka, laakiin Hidalgo ayaa ka hor timid waxaanay qorshahaas, waxaanay xataa diidday inay la hadasho maamulka kooxdan oo ay albaabka ka xidhatay.
Hidalgo ayaa waxay u sheegtay wargeyska Le Parisien: “Meel caddaan ah ayaanu taaganahay. Garoonka Parc des Princes iib ma aha, lamana iibin doono. Warkayagu waa cadyahay oo uu qeexan yahay. Garoonkani waxa uu madxaf dhaqameed u yahay reer Paris.”
Afhayeen u hadlay PSG ayaa saxaafadda la hadlay kaddib go’aanka mayorka magaalada Paris, waxnaanu yidhi: “Waa arrin layaab leh oo niyad-jab nagu ah in aanu Mayorka Paris ka maqalno in ay go’aankaas qaateen, waxaanay nagu qasbayaan in PSG, taageereyaashayada iyo bulshaduba ka guurto Parc des Princes. Anagu tobannaan milyan oo Euro oo canshuur ah ayaanu bixinaa, waxa aanu sidoo kale dibu-dhis ku samaynaa garoonka oo 50 sannadood jiray, haddana u baahan dibu-cusboonaysiin.”
Si kastaba, Hidalgo ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay PSG u ogolaato inay garoonka cusboonaysiiso haddii ay iska illoobaan hammiga ah in laga iibiyo garoonkan.