Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ka cagajiideysa inay fuliso codsi uga yimid Lionel Messi oo doonaya inuu Koobka Adduunka ku soo bandhigo garoonka kooxda kulankooda ugu soo horeeya ee martida loo yahay, iyadoo PSG ay ka baqeyso inay carro xoogan kala kulanto dadka reer France.
Messi ayaa ugu danbeyn gacanta ku dhigay Koobka Adduunka uu muddo dheer baadigoobayay ka dib markii Argentina ay rigoore 4-2 ku garaacday France.
Messi ayaa shabaqa soo taabtay wareeg kasta oo Koobka Adduunka ah oo ay ku jirto finalkii u labo gool dhaliyay, isagoo isku qoray taariikhda kubada cagta mar kale.
35 jirkaan ayaa ku riyaaqayay dabaaldegyadii ka danbeeyay hanashada Koobka Adduunka iyadoo 4 milyan ay isagu soo baxeen caasimada Argentina halka dad badan ay iyagana isagu soo baxeen gurigiisa ku yaala magaalada Rosario.
Sida ay qortay shabakada Gool Messi ayaa doonaya inuu Koobka Adduunka geeyo garoonka kooxda PSG, wuxuuna weydiistay kooxda Faransiiska haddii ay macquul tahay inuu koobka soo bandhigo kulankooda xiga ee martida loo yahay.
Laakiin kooxda ayaa ka cagajiideysa inay aqbasho codsiga Messi madaama Argentina ay koobka ka qaaday Faransiiska waxayna ka baqayaan inay ka careysiiyaan dadka reer France.
Dad badan ayaa u arka talaabada Messi uu ku dalbanayo inuu koobka ku soo bandhigo PSG inay tahay mid uu ku doonayo inuu nabarka ku sii xanuunjiyo dadka reer France isagoo doonaya inuu wadankooda ku dhex dabaaldego inkastoo uu koobka uga qaaday rigoore.
Waxaa iyadana jirta xaqiiqda ah in Argentina ay ku maadsanayeen xiddiga ay Messi isku kooxda yihiin ee Kylian Mbappe intii ay u dabaaldegayeen hanashada Koobka Adduunka inkastoo uu seddexleey ka dhaliyay taasoo uu ku qaaday Kabta Dahabka.
Messi ayaa lagu dhaleeceeyay inuu ka aamusay bahdilka lagu sameynayo xiddiga ay isku kooxda yihiin islamarkaana uusan kala hadlin goolhaye Eimiliano Martinez habdhaqankiisa xun.
Waxaa jiray kaftan ku saabsan in Mbappe uu PSG ka ceyrin doona Messi haddii uu xiddiga reer Argentina Koobka Adduunka ku qaado Qatar.
Laakiin durba dadka reer France waxay cadeeyeen naceybka ay u qaadeen Lionel Messi. Baar ku yaala magaalada caasiamada ee Paris ayaa maaliyada cadaanka ah ee Messi ee PSG waxay ka dhigteen caga saar lagu soo galo goobtooda ganacsiga.
Waxay maaliyada Messi dhinac dhigeen qoraal ay ku leeyihiin: “Xusuusnow inaad cagaha iska masaxdo ka hor inta aadan soo gelin.”
Waxaa xiiso lahaan doonta in la arko sida Messi loola dhaqmo marka uu ku soo laabto Paris Saint-Germain isagoo dhawaan ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Faransiiska.
PSG waxay garoomada ku soo laabaneysa 28ka bishaan Disember iyagoo gurigooda kula ciyaaraya kooxda Strasbourg.