Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Premier League Oo Iska Diiday Sharciga FIFA Ee La Adeegsanayo Koobka Adduunka Ee Ka Socda Qatar

by Abdiwahab Ahmed
November 26, 2022
1
Premier League Oo Iska Diiday Sharciga FIFA Ee La Adeegsanayo Koobka Adduunka Ee Ka Socda Qatar

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premeir League ayaa iska diiday oo aan qaadan doonin sharciga cusub ee xidhiidhka kubadda cagta FIFA uu soo saaray ee laga dhaqan-geliyey Koobka Adduunka, kaas oo saamayntiisa laga dareemay kulamadii illaa hadda la ciyaarayy.

ADVERTISEMENT

Kulamadii koowaad ee wareegga group-yada ee Koobka Adduunka, ayaa waxay lagu daray waqti badan oo dheeraad ah markii ay ciyaaruhu dhamaadeen labadii qayboodba.

Pierluigi Collina oo ah madaxa garsooreyaasha FIFA, ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan, in daqiiqad kasta oo ku luntay si aan habboonayn ay tahay in la ciyaaro, taasina keentay in kulamada qaarkood ay socdaan in ka badan 100 daqiiqadood, halkii ay ka ahayd in ay ku dhamaadaan min 90 daqiiqadood.

Maamulka garsooreyaasha Premier League ee PGMOL ayaa go’aan ka gaadhi doona inay hirgeliyaan sharciga FIFA ee ah in aanay jirin daqiiqad si bilaash ah ku lunta, haddii ay dhacdana ciyaarta xagga dambe lagaga sii daro, iyadoo celcelis ahaan ay jireen dhawr kulan oo Koobka Adduunka ah oo kusoo dhamaaday 102 daqiiqadood iyo 42 ilbidhiqsi, taas oo afar daqiiqadood ka badan inta laga diiwaangeliyey horyaalka Premier League.

ADVERTISEMENT

Garsooreyaasha horyaalka Premier League ayaa ka tashan doona inay hirgeliyaan sharcigan iyo in kale ka hor inta aanu dib u bilaabmin horyaalka Premier League dhamaadka bisha December, hase yeeshee waxa la sheegayaa in ay intooda badan kasoo horjeedaan oo aan la ansixin doonin fulinta waqtiga badan ee dheeraadka ah ee lagu darayo ciyaaraha.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Pierluigi Collina ayaa isagu rumaysan in waqtiga badan ee lagu darayo ciyaaraha Koobka Adduunku ay yihiin daqiiqadihii ay ciyaartoydu lumiyeen iyo intii ay kubaddu dibedda uga baxday garoonka amaba ay si kale ku istaagtay, laakiin aanay ahayn waqti dheeraad ah oo lagu daray ciyaarta.

Arrintan ayaa waxay imanaysaa iyadoo ay hore u jirtay dood ahayd in waqtiga ciyaaraha lagu soo koobo 60 daqiiqadood, balse Pierluigi Collina  iyo sharcigiisa cusub ee Koobka Adduunka ayaa waxay keentay in waqtigu uu gaadho 100 daqiiqadood iyo ka baadan.

ADVERTISEMENT
Share360Tweet225
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Comments 1

  1. Abdikadir Hussein Mohamed says:
    2 months ago

    Waa hadal wanagsan ha iska dayan

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.