Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Portugal Oo Xasuuqday Switzerland, Ramos Oo Bahdilay Ronaldo & Seddexleydii Ugu Horeysay Koobka Adduunka Oo La Dhaliyay

by Saed Mohamed
December 6, 2022
0
Portugal Oo Xasuuqday Switzerland, Ramos Oo Bahdilay Ronaldo & Seddexleydii Ugu Horeysay Koobka Adduunka Oo La Dhaliyay

Xulka Portugal ayaa si raaxo leh ugu soo gudbay wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka ka dib markii ay 6-1 ku xasuuqeen xulka Switzerland oo u babac dhigi waayay xulka tababare Fernando Santos.

ADVERTISEMENT

Tababaraha Portugal ayaa qaatay go’aan geesinimo leh ka dib markii uu keyd geliyay halyeeyga Portugal Cristiano Ronaldo, wuxuuna go’aankiisa noqday mid mirodhal leh madaama Portugal ay soo bandhigtay ciyaarteedii ugu fiicneyd ilaa iyo haatan Koobka Adduunka.

Xiddigii Ronaldo booska kala baxay ee Ramos ayaa wacdarro dhigay isagoo dhaliyay seddexleydii ugu horeysay e Koobkan Adduunka wuxuuna ku darsaday hal caawin.

FjUkq1VXEC0CoaK?format=jpg&name=large

ADVERTISEMENT

Booska Cristiano Ronaldo waxaa lagu soo bilaabay xiddiga Benfica Goncalo Ramos kaasoo ciyaarayay kaliya kulankiisii 4aad ee xulka qaranka Portugal. Ramos ayaana muujiyay in laga maarmo Ronaldo ka dib markii uu Portugal hogaanka u dhiibay daqiiqadii 17aad.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Wuxuu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay laacibka Atletico Madrid Joao Felix.

Daqiiqadii 33aad ee Portugal oo ciyaarta maamuleysay ayaa hogaanka dheereysatay markii kubad uu soo qaaday Bruno Fernandes uu madaxa ku dhaliyay daafaca 39 sanno jirka Pepe.

Pepe ayaa noqday xiddigii labaad ee ugu da’da weynaa abid ee gool ka dhaliya Koobka Adduunka ka dib halyeeygii Cameroon Roger Milla oo isagoo 42 sanno jir ah gool ka dhaliyay Koobka Adduunka.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay Portugal hogaanka ciyaarta ku heysay.

ADVERTISEMENT

FjUhA58XkAEFtOh?format=jpg&name=large

Qeybtii labaad Portugal ayaa halkeeda ka sii waday goolasha iyagoo helay goolkoodii 3aad daqiiqadii 51aad markii Goncalo Ramos uu shabaqa ku taabtay baas uu ka helay Diogo Dalot. Waxay aheyd goolkii labaad uu dhaliyo xiddiga buuxinayay booska Ronaldo.

Xiddigaan oo wacdarro dhigay kulankii maanta ayaa sidoo kale Portugal ka caawiyay goolkoodii afaraad markii uu kubad rogaalcelis aheyd u dhigay Guerreiro kaasoo isna shabaqa cusjiyay daqiiqadii 55aad.

Seddex daqiiqo ka dib Switzerland ayaa gool sabarsiin ah soo ceshatay iyadoo uu shabaqa u soo taabtay xiddigooda Akanji.

Laakiin goolasha Portugal waxay ahaayeen kuwa aan kala joogsi laheyn iyadoo Goncalo Ramos uu seddexleydiisa dhameystirtay daqiiqadii 67aad markaasoo uu kubad si aayar ah uga dulqaaday goolhayaha.

Ramos ayaa dhaliyay seddexleydii ugu horeysay ee laga dhaliyo Koobkaan Adduunka ee 2022.

Cristiano Ronaldo ayaa bedel lagu soo geliyay daqiiqadii 74aad isagoo bedelay xiddigii seddexleyda dhaliyay ee Goncalo Ramos.

FjUkeI3XEBw05T7?format=jpg&name=large

Waxaa gool lixaad ciyaarta ku soo xiray waqtigii dhimashada Rafael Leão oo kubad macaan uu soo qaaday shabaqa dhex dhigay isagoo aan wax fursad ah siinin goolhayaha.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 6-1 oo ay Portugal ku xasuuqeen xulka Switzerland, iyagoo xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka.

Portugal waxay Sabtida la ciyaari doonaan wareega sideed dhamaadka xulka Morocco oo maanta ka soo gudbay xulka Spain oo ay rigoorayaal uga badiyeen.

Share365Tweet228
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.