Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Phil Foden Oo Magacaabay Saaxiibkiisa Xulka England Ee Noqon Doona Xiddiga Ugu Wanaagsan Dunida

by Abdiwahab Ahmed
December 5, 2022
0
Phil Foden Oo Magacaabay Saaxiibkiisa Xulka England Ee Noqon Doona Xiddiga Ugu Wanaagsan Dunida

Xiddiga da’da yar ee xulka qaranka England ee Phil Foden ayaa tilmaamay ciyaartoyga ay isku xulka yihiin ee awoodda u leh inuu noqdo xiddiga ugu fiican adduunka ee khadka dhexe ka ciyaara, kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kulamadii Koobka Adduunka ee uu dalkiisu ciyaaray.

ADVERTISEMENT

England ayaa xalay 3-0 ku burburisay Senegal waxaanay u gudbeen wareegga siddeedda oo ay isku dhaceen xulka awoodda badan ee Faransiiska oo uu midkood usoo gudbi doono afar-dhamaadka, midka kalena tartanka macasalaamayn doono.

Foden oo kusoo bilowday kulankii Senegal ayaa waxa uu si weyn u amaanta ka haysan waayay laacibka da’da yar ee khadka dhexe ee Jude Bellingham oo 19 jir ah, laakiin la isku raacsan yahay inuu yahay ciyaartoyga ugu shaqada badan xulka England ee Koobka Adduunka.

Bellingham ayaa ciyaar tayadeedu sarrayso soo bandhigay kulankii Senegal oo ay ka garab ciyaarayeen Declan Rice iyo Jordan Henderson, waxaana Phil Foden oo saxaafadda la hadlayay ciyaarta kaddib uu amaanay Bellingham, isaga oo yidhi: “Ma doonayo in aan si weyn sare ugu qaado Jude Bellingham, sababtoo ah wali wuu da’ yar yahay, waxase uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu hibada badan ee aan abid arko.

ADVERTISEMENT

“Anigu ciyaartiisa kuma arag meel ay ka liidato. Wax kasta ayuu leeyahay, waxa uu noqon doonaa dhaxda ugu wanaagsan dunida, waana hubaal.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

Jude Bellingham oo kooxdiisa Borussia Dortmund  kula jira heshiis soconaya illaa sannadka 2025, ayaa waxa doonaya naadiyo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Liverpool, Chelsea iyo xataa Paris Saint-Germain, waxayse kooxda reer Germany dalbanaysaa lacag gaadhaysa £129 milyan oo Gini.

ADVERTISEMENT
Share364Tweet227
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.