Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Pep Guardiola Oo Sharraxay Sababtii Uu Laba Ciyaartoy Oo Kooxdiisa Ah Xor Uga Dhigay Kulankii Chelsea

by Abdiwahab Ahmed
January 6, 2023
0
Pep Guardiola Oo Sharraxay Sababtii Uu Laba Ciyaartoy Oo Kooxdiisa Ah Xor Uga Dhigay Kulankii Chelsea

Pep Guardiola ayaa u mahad-celiyey Joao Cancelo iyo Rodrigo kaddib ciyaartii ay Chelsea guusha cidhiidhiga ah ka gaadhay Chelsea ee ay kusoo yareeyeen farqiga dhibcaha ay Arsenal kaga hayso hoggaanka. Laban ciyaartoy ayaanu Guardiola geynin boosas cayiman, waxanu xorriyad u siiyey inay meesha ay doonaan ka ciyaaraan.

ADVERTISEMENT

City ayaa kusoo gashay saddex difaac qaybtii hore, waxaana hore loo diray Rodri iyo Cancelo oo garabka midig ee weerarka la geeyey, laakiin taatikadaasi uma shaqaynin Guardiola, waana sababta uu waqtigii nasashada u sameeyey beddelka degdegga ah.

Rico Lewis iyo Manuel Akanji ayaa soo galay qaybtii labaad iyadoo la saaray Joao Cancelo iyo Kyle Walker, waxn Gurdiol uu qirtay in aanu ku faraxsanayn sidii ay kooxdiisu ula ciyaartay Chelsea, sababtuna ay ahayd boosaska qaldan ee ay ka dheeleen Rodri iyo Cancelo.

“Kulamadii aanu ciyaarnay intii ka dambaysay koobka adduunka ee Liverpool, Leeds iyo Everton waxa aanu u ciyaaraynay si fiican, laakiin maanta [xalay] qaybtii hore ma aanaan fiicnayn” Ayuu yidhi Pep Guardiola, waxaanu kusii daray: “Waxa aan go’aansaday in aanan laba ciyaartoy geynin boosaskooda. Waxa aan u malaynayay in Joao iyo Rodri ay kordhin doonaan dedaalkooda marka ay ka ciyaaraan boosas kale. Waxa aan qiyaasay ciyaar nooc kale, khaasatan haddii ay shan difaac ku ciyaarto Chelsea sida mararka qaarkoodba dhacda, sidaas darteed ayaanu u doonaynay in aanu ka faa’iidaysano baallahayaga Joao iyo Kyle.

ADVERTISEMENT

“Qaybtii hore ma aanaan fiicnayn, waanu liidanay kubbadahana ma aanaan geynayn garbaha iyo khadka dhexe ee weerarka, mana aanaan samaynayn fursado badan, cidhiidhigayaguna wuxuu ahaa mid liita. Ma aanaan ahayn kuwo si fiican u habaysan.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023
“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
ADVERTISEMENT
Share322Tweet201
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.