Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Pep Guardiola Oo Muujiyey Kalsooni-darro Uu Ku Qabo Joao Cancelo & Xiddiga Uu Kusoo Beddelanayo

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Xiddigii Ay Sida Fudud Iskaga Lumisay Manchester United Ayaa Ku Ceebeeyey Old Trafford

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa waxa uu diyaar u yahay in uu kooxdiisa ka diro difaaca boosaska badan ka ciyaara ee Joao Cancelo oo uu doonayo inuu kusoo beddesho ciyaartoy kale, xilli uu laacibkani kursiga kaydka fadhiyey kulamadii ugu dambeeyey.

ADVERTISEMENT

Cancelo oo Manchester City ay sannadkii 2019 kala soo wareegtay Juventus, ayaa qayb weyn kasoo qaatay guulihii ay kooxdu gaadhaysay sannadihii ugu dakmbeeyey, waxaana 154 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey sagaal gool iyo 22 kale oo uu caawiye ka noqday.

Xilli-ciyaareedkana socda ayuu saftay 17 ciyaarood oo uu laba gool dhaliyey, mid kalena caawiyey, waxaase kulamadii ugu dambeeyey uu GFuardiola ka doorbiday laacibka da’da yar ee Rico Lewis oo booska kala baxay.

Sida uu qoray wargeyska Calcio Mercato ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, tababare Pep Guardiola ayaa doonaya inuu Joao Cancelo iyo lacag iskugu daro AC Milan si uu ugala soo wareego garabka weerarka Portugal ee Rafael Leao.

ADVERTISEMENT

Xiddigan reer Portugal oo 18kii bilood ee ugu dambeeyey muujinayay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Talyaaniga ee Serie A, isla markaana xilli-ciyaareedkii tegay ee 2021-22 dhaliyey 19 gool 16 kalena caawiyey ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan, waxaana hadda si dardar ah kusoo gashay doonistiisa Manchester City.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

23 jirkan oo qandaraaskiisa AC Milan ay ka hadhsan yihiin 18 bilood, ayaa waxa Guardiola oo adeegsanaya lacag iyo Cancelo uu doonayaa inuu ku qanciyo Milan inay iibiso laacibkan oo uu hore Paulo Maldini u caddeeyey inuu qorshahoodu yahay inay heshiis cusub ka saxeexaan.

Si kastaba ha ahaatee, AC Milan ayaan la ogeyn inay ogolaan doonto dalabka Manchester City ee lacagta iyo Cancelo ee wada socd ah.

ADVERTISEMENT
Share337Tweet211
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.