Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona ee Pedri ayaa magacaabay ciyaartoyga uu rajaynayo in uu kooxdiis u noqon doono beddelk Sergio Busquets oo la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago Camp Nou bisha January ee foodda inagu soo haysa, laakiin ay maamulka kooxdu ku dedaalayaan inay ku qanciyaan inuu sii joogo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sergio Busuqets oo muddo 15 sannadood ah u ciyaarayay Barcelona ayaa uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka ama June 2023, waxaase soo baxaya warar sheegay in xataa uu doonayo in aanu dhamaysanin fasalkan socda.
34 jirkan oo toddobaadkii hore shaaciyey inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah markii uu xulkiisa Spain wareegga 16ka kaga hadhay Koobka Adduunka ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Inter Miami ee horyaalka waddanka Maraykanka ee uu iska leeyahay halyeyga England ee David Beckham.
Xiddiga da’yar ee khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Pedri ayaa tilmaamay ciyaartoyga kooxdiisa u beddeli doona Busquets marka uu baxo, isaga oo dhinaca kalena qirtay inuu wax badan ka bartay khabiirka sii baxaya ee Busquets.
Pedri oo waraysi siinayay wargeyska Diario Sport ayaa yidhi: “Frenkie ayaa leh tayooyin badan. Waxaynu aragnay marka uu u ciyaarayo Netherlands iyo booskiisa, waxaana uu qabtaa shaqooyin heersare ah. Waxay ila tahay in uu noqon doono beddelka Busquets ee mustaqbalka, balse waxa aan rajaynayaa in Busquets uu qandaraaska kordhiyo.”
Barcelona oo hoggaanka horyaalka LaLiga haysa ayaa waxay kulankeeda koowaad dheeli doontaa December 31 oo ay ballansan yihiin Espanyo.