Halyeygii khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Scholes ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka Premier League, waxaana uu magacaabay kooxda ku guuleysan doonta sannadkan kaddib markii ay Sabtidii Manchester United 2-1 ku garaacday Manchester City oo kusoo booqatay Old Trafford.
Natiijadan ayaa fursad weyn siisay Arsenal oo haddii ay Tottenham ka adkaato siddeed dhibcood hoggaanka ku qaban doonta, hase yeeshee Manchester United ayaa iyaduna dhibic kaliya ka dambaysa Man City, taas oo ka dhigan in koox kasta oo dhibco lumisa la dhaafi doono.
Scholes ayaa waxa kale oo uu soo bandhigay walaac weyn oo uu ka qabo Arsenal oo uu xusay inay haysato laba dhibaato oo u diidi doona inaya ku guuleysato horyaalkaa Premier League oo uu mar kale u cumaamadaya Man City inkasta oo ay guul-darraysteen Sabtidii.
Halyeygan reer England oo la hadlayey BT Sport ayaa yidhi: “Waxaynu baranay in Manchester United ay garaaci karto koox weyn marka uu cadaadis saaran yahay iyo marka ay doonaan ba.
“Miyey ku tartami karayaan horyaalka? Waxay ila tahay inay ku tartami karayaan haddii ay ciyaartoydu taam u ahaadaan, haddana hal dhibic kaliya ayay ka hooseeyaan City.
“Laakiin aniga aragtidayda, City ayaa ah kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato horyaalka sababtoo ah waa kooxda ugu wanaagsan Premier League. “
Intaas kaddib ayuu soo bandhigay dhibaatooyinka ahaysta Arsenal ee u diidi doona inay ku guuleystaan horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “Arsenal wax fiican ayay samaynaysaa run ahaantii, waxayna u muuqdaan inay yihiin koox wanaagsan, laakiin waxa haysata laba dhibaato oo ah dhaawacyo iyo khibrad la’aan.
“Waxay haystaan tababare aan waligii ku guuleysanin horyaalka, ciyaartoyduna kuma aanay guuleysanin wax koobab ah. Wali 20 ciyaarood ayaa ka hadhsan horyaalka, wax walbaana way isbeddeli karaan bisha February.”