Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Paul Scholes Oo Man United U Tilmaamay LABADA Xiddig Ee Cristiano Ronaldo U Bedeli Kara

by Apdihakem Omer Adam
December 2, 2022
1
Paul Scholes Oo Talo Qariib Ah Usoo Jeediyay Man United Kaddib Ceebtii Kasoo Gaadhay Liverpool

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa kooxdiisii hore u dooray labada xiddig ee uu filanayo inay u bedeli karaan weeraryahan Cristiano Ronaldo.

ADVERTISEMENT

Man United ayaa dhawaan wadajir Ronaldo ula kansashay heshiiskii uu ku joogay Old Trafford kaddib waraysi uu siiyay saxafi Piers Morgan oo uu wax badan ku dhaliilay.

Sida ay haatan wax yihiin, Red Devils ma haystaan weeraryahan rasmi ah balse Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa labaduba halkaas uga dheeli kara.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Man United diyaar u tahay inay suuqa January oo caadiyan suuq ay adagtahay in xiddigo tayo badan la helaa ah ay raadiso bedelka Ronaldo.

ADVERTISEMENT

Labada ciyaaryahan ee uu Scholes saxeexooda u tilmaamay Man United ayuusan midkoodna weeraryahan rasmiya ahayn balse ka dheeli kara doorkaas waana Cody Gakpo iyo Christopher Nkunku oo PSV iyo RB Leizpig kaa kala tirsan.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

“Waxaan filayaa inay jiraan dhawr weeraryahan oo ay eegi karaan, wiilka yar ee RB Leipzig jooga ee Chelsea lala xidhiidhinayay, Nkunku. Weerarka dhexe waa booska muuqda ee u baahan in la buuxiyo” ayuu yidhi Paul.

“Wiilka jooga PSV, Cody Gakpo oo si fiican ugu ciyaaraya Netherlands koobka aduunka waxaanan filayaa in Ten Hag isaga hore u xiisaynayay”.

Nkunku ayaa isagu tijaabada caafimaadka u maray Chelsea isla markaana heshiiskiisa la dhammaystiray halka Gakpo la filayo in bandhigyadiisa wanaagsan ee koobka aduunku sababaan inay kooxo badani tartankiisa soo galaan.

Dolblije matchwinner Gakpo: 'Dit hadden we nodig' - Voetbal International

ADVERTISEMENT

Nkunku is the sensation of 2022 - Sports Finding

Share308Tweet192
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Comments 1

  1. Fahad says:
    2 months ago

    Asc beejka inbadan akhristaa waxa talo kudarsanaa sida wax noogu soo gudbisan
    Qoralada iyo suuqa sidaa inaa inta fican nosoo gudbisan ileen intaa waa firiyaa
    Shaqsiyan hada marna maba tixgalisan waxa sogudbinaysan qoraal ayaa labo malin noguso celcelisaan nagadaya oo wax fican nosoo gudbiya warakga sifican usoo qata

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.