Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa doortay labada xiddig ee uu u arko kuwa farqiga iyo kala duwanaanshaha u sameeyay kooxdiisii hore.
Labada ciyaartoy ee uu maamuuskaas siiyay Scholes ayaa kala ah lamaanaha khadka dhexe ee Carlos Henrique Casemiro iyo Christian Eriksen.
Casemiro iyo Eriksen ayaa kusoo wada bilawday guushii ugu dambaysay ee Wolves walow xiddiga Danish-ka ah uu xilli hore bedelay macalin Erik Ten Hag.
Iyadoo Rashford oo kulankaas goolka lagu kala baxay dhaliyay uu amaanta ugu badan helay ayuu Scholes kuwa kala duwanaanshaha sameeya ku sheegay Eriksen iyo Casemiro xilli uu sidoo kale kooxda ugu baaqay inay ciyaartoy weerar ah lasoo saxeexato.
“Waxaan filayaa inay markale koox xiiso leh u eegyihiin. Kooxaha ugu wanaagsani waxay haystaan weeraryahanada ugu wanaagsan wakhtigan iyagu ma haystaan weeraryahanada ugu wanaagsan” ayuu BT Sports u sheegay Paul.
“Waxay haystaan weeraryahano fiican balse keydka ayaan eegaa oo ma haystaan ciyaartoydaas kulanka bedeli kara”.
“Casemiro iyo Eriksen ayaa kala duwanaansho weyn sameeyay, tayo dhab ah ayaa ka horreysa oo Fernandes ah. Afarta daafac wali horumar ayay samayn karaan, aynu aragno dhawr toddobaad kaddib kulanka City”.