Patrice Evra ayaa ku farxay murugada iyo oohinta Luis Suarez isagoo Like saaray sawirka xiddiga reer Uruguay oo barooranaya oo la soo dhigay Instagram.
Suarez ayaa si weyn u ooyay ka dib markii xulkiisa laga reebay Koobka Adduunka iyagoo ku haray tirinta goolasha.
Goolkii uu daqiiqadii 91aad uu Hee-chan u dhaliyay South Korea ayay ka badiyeen Portugal taasoo reebtay Uruguay.
Luis Suarez oo kursiga keydka fadhiyay dhamaadkii ciyaarta ayaa si xun u ooyay markii uu ogaaday in South Korea ay ka badisay Portugal.
Halyeeyga Manchester United Patrice Evra ayaa qaaday talaabo aan looga baranin ciyaartoydii hore isagoo ku farxay murugada Suarez iyo haritaanka Uruguay.
Evra ayaa like saaray sawirka Suarez oo si xun u ooyaya oo la soo dhigay Instagram.
Suarez ayaa sideed kulan laga ganaaxay garoomada sannadkii 2011 ka dib markii lagu helay inuu cunsuriyeeyay Patrice Evra markii ay u ciyaarayeen Liverpool iyo Manchester United.
Suarez ayaa beeniyay inuu cunsuriyeeyay Patrice Evra, laakiin ganaaxiisa ka dib wuxuu diiday inuu salaamo Evra markii ay labada kooxood iska horyimaadeen.