Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa tilmaamay xiddig kooxdiisii hore ka tirsan oo muujinaya inaysan wali heerkii la doonayay gaadhsiisnayn.
Xiddigaas ayaa ah da’yarka Alejandro Garnacho oo uu Evra sheegay inuu jecel yahay balse uusan wali joogin heer ay kooxdu isaga ku tiirsanaato.
Garnacho ayaa habeen hore kusoo bilawday kulankii ay kooxdiisu guusha 2-0 ka ah ka gaadhay Burnley wareega 16-ka, tababare Erik Ten Hag ayaa markii afraad 18 sano jirkaas kulan kusoo bilaabay xilli ciyaareedkan.
Garnacho ayaa kahor Koobka aduunka gool aad u muhiim ah Man United daqiiqadii ugu dambaysay usoo dhaliyay kulan ay guul 2-1 ah kasoo gaadheen Fulham.
Evra ayaa sheegay in Garnacho ciyaartoy fiican yahay balse aysan Man United tartamayn inta ay ku tiirsan tahay xiddigo da’yar ah.
Evra ayaa yidhi “Anigu waxbadan kama rajaynayo Man United, markasta waan sheegaa, afar kulan oo aanad filanayn ayay guulo gaadhayaan kaddib way guuldarraysanayaan”
“Kulankii ugu dambeeyay Fulham ayaanu ka badinay waxaanan dareemay inaanu aad ugu tiirsanahay Garnacho, wiil yar, taasina waa sababta aan u filayo inaysan United diyaar ahayn”.
“Haddii aad joogto koox sida United ama Juventus ah, haddii ay carruur yihiin kuwa kala duwanaanshaha samaynayaa taasi waa marka aad ogaanayso inay wax qaldan yihiin sababtoo ah wakhtigaygii 20 ciyaartoy oo waaweyn ayaa kooxda joogay kaddib markaas ayay da’yartu imanayeen oo layaab samaynayeen balse ma ahayn kuwa wax badbaadiya”.
“Midaas ma jecli, Garnacho waan jeclahay balse ma doonayo inuu isagu badbaadiyaha noqdo sababtoo ah haddii uu yahay waxay ka dhigan tahay inay wax qaldan yihiin”.