Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Oliver Giroud Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigay Koobka Adduunka & Rikoodhkii Thiery Henry Oo La Jabiyay

by Saed Mohamed
December 4, 2022
0
Oliver Giroud Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigay Koobka Adduunka & Rikoodhkii Thiery Henry Oo La Jabiyay

Weeraryahanka xulka Faransiska Olivier Giroud ayaa rikoodh cusub ka dhigay kulanka wareega 8da ee ay France la ciyaareyso xulka Poland ka dib markii uu jabiyay rikoodhkii goolasha xulka France ee Thierry Henry.

ADVERTISEMENT

Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Chelsea ayaa haatan noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka France ka dib markii uu hogaanka u dhiibay maanta xulkiisa France.

Giroud ayaa dhaliyay goolkiisii 52aad isagoo ku gaaray rikoodh 117 kulan ah uu u saftay xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee Faransiiska.

Giroud wuxuu rikoodhka ka jabiyay halyeeyga Arsenal Thierry Henry kaasoo 51 gool u dhaliyay Faransiiska 123 kulan uu u saftay.

ADVERTISEMENT

Weeraryahanka AC Milan Giroud ayaana rikoodhka ku jabiyay in ka yar 6 kulan intii uu ciyaaray Henry.

Sidoo Kale Akhri

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023

Waxaa kaalinta 3aad ee xiddigaha ugu goolasha badan abid xulka France ku jira weeraryahanka Atletico Madrid oo dhaliyay 42 gool 112 kulan uu saftay.

Halka halyeeygii Juventus iyo France Michel Platini uu 72 kulan ku dhaliyay 41 gool.

Karim Benzema ayaa kaalinta 5aad ku jira isagoo 37 gool ku dhaliyay 97 kulan.

Giroud ayaa fursad u heysta inuu sii dheereysto rikoodhkiisa madaama uusan xilli dhow qorsheyneynin inuu ka fariisto xulka Faransiiska.

ADVERTISEMENT
Share295Tweet184
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.