Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Nolosha Ayaan Ku Silcin Doonaa” – Luka Modric Oo Magacaabay Xiddiga Brazil Ee Uu Ka Rafaadinayo

by Abdiwahab Ahmed
December 8, 2022
0
“Nolosha Ayaan Ku Silcin Doonaa” – Luka Modric Oo Magacaabay Xiddiga Brazil Ee Uu Ka Rafaadinayo

Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa digniin u diray xiddig ka tirsan xulka Brazil ee berri Jimcaha iskaga hor imanayaan wareegga siddeedda Koobka Adduunka, waxaana uu u sheegay in uu illoobi doono saaxiibtinimadii iyo ixtiraamkii ka dhexeeyey, isla markaana uu nolosha ku adkayn doono.

ADVERTISEMENT

Brazil iyo Croatia ayay midkood iska xaadirin doontaa semi-finalka Koobka Adduunka, halka midkooda kalena uu isaga oo ciyaartoydiisu ay ooyayaan uu tartanka macasalaamayn doono.

Luka Modric ayaa saxaafadda hor yimid maanta, waxaana uu ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee xulka Brazil, waxaana uu qirtay in marka uu xulkiisa u ciyaarayo in uu illoobayo saaxiibtinimada oo uu dagaal kala hor tegayo, isaga oo si gaar ah ula hadlayay Vinicius Junior.

“Ka hor tegista saaxiibkayga Real Madrid ee berri? Waxa aanu ahaan karnaa Friends kaddib ciyaarta, laakiin inta hore qof walba waxa uu u dagaallamayaa waddankiisa. Waxa aanu samayn doonaa wax walba oo karaankayaga ah si aanu u guuleysano.

ADVERTISEMENT

“Vinicius? Waxa noo taalla shaqo adag si aanu u joojino isaga berri. Qof walba wuu ogyahay tayadiisa, laakiin haddii anigu aan caawin karo si aan nolosha ugu adkayno, waxa aan siin doonaa faahfaahinta, waanan hubaa in aan samayn doono. Dhamaantayo waxa aanu halkan u joognaa in aanu u dagaalanno waddankayaga. Way fiican tahay in aan maqlo Neymar oo aniga iga hadlaya, sababtoo ah waa wiil wanaagsan oo aanu leenahay xidhiidh qurux badan. Waxa uu ciyaarayaa kubbaad qaabkeedu cajiib yahay, horumar badanna wuu sameeyey.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share564Tweet353
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.