Niyad-jabka Chelsea Oo Sii Socda, Manchester City Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay Borussia Dortmund Iyo Mucjisada Goolasha Ee Haaland Oo Ka Farxiyey Pep Guardiola

Kooxda klubadda cagta Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Borussia Dortmund oo waqti dambe ay kaga takhaluseen Etihad Stadium, kulan kusoo dhamaaday 2-1 oo ay kooxda reer Germany goolasha la hormartay, hase yeeshee Chelsea ayaa guul la’aan ah kulankeedii labaad ee xidhiidh ah.

Manchester City ayaa waxay 2-1 kaga adkaatay Borussia Dortmund oo gool kala hormartay qaybtii hore, waxaase waqti xun dilay Johan Stones iyo Erling Haaland oo xilli dambe min hal gool ka dhaliyey.

City oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa waxay iska khasaarisay fursado badan oo ay qaybtii horeba ku xaqiijisan karaysay saddexda dhibcood, balse waxa qaab deggenaan iyo cabsi la’aan ah ula dheelaysay Borussia Dortmund oo difaaceedu ay joojiyeen Erling Haaland maadaama ay aqoon fiican u leeyihiin oo laba sannadood iyo badh uu usoo ciyaaray.

Advertisements

FcpMpmYXkAELjPd

Da’yarka reer England ee Jude Bellingham ayaa burburiyey Manchester City daqiiqadii 56aad, waxaana uu ka dhaliyey gool aan sii waarin oo ay kooxda reer Germany xajisan kari weyday, waxaana afar daqiiqadood oo dhamaadkii ah Man City ku keensatay laba gool oo daran doorri ah.

Kubbad uu kasoo shaqeeyey Kevin de Bruyne ayuu John Stones u dhaliyey Manchester City daqiiqaddii 80aad, waxaana waqtigaas uu Pep GUardiola xaqiiqsaday in ay kooxdiisu heli karayso saddexda dhibcood, isaga oo sii xoojiyey weerarka.

Etihd Stadium ayaa isla oogsaday daqiiqaddii 84aad oo uu Erling Haaland dhaliyey gool qurux badan oo uu ku niyad-jabiyey kooxda uu xagaagii dhowaa ka yimid. Kubbad uu Cancelo kasoo qaaday dhinaca ayuu Haaland lugta u dhigay oo uu ku leexiyey goolka, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1.

City ayaa samaysay fursado kale oo ay goolal u beddeli karaysay, waxayse ku qanceen in ay labadaas gool iyo saddexda dhibcood isku darsadaan, halka Erling Haaland uu sii wato rikoodhkiisa gool-dhalinta oo uu saxeexay goolkiisii 13aad siddeed ciyaarood oo uu u saftay Man City.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa gool la’aan ah kulankii labaad oo xidhiidh ah ee Champions League ee xilli ciyaareedkan, iyaga oo Stamford Bridge barbarro kula galay RB Salzburg.

Raheem Sterling ayaa Chelsea hoggaanka u dhiibay qaybta labaad oo saddex daqiiqadood oo kaliya socotay, waxaase dhamaadka ciyaaarta oo ay 15 daqiiqadood ka hadhsan yihiin ka daba timid kooxda martida oo dhalisay goolka barbarraha oo uu u saxeexay Okafor oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Adamu.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada