Horyaalka Spain ee LaLiga ayaa qaatay go’aan niyad-jab ku riday Barcelona waxaanay iska diideen in ay u diiwaangeliyaan xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Gavi, kaas oo mar kale laga reebay liiska ciyaartoyda kooxda koowaad.
Gavi oo magaciisa dhabta ah uu yahay Pablo Martin Paez Gavira ayaa kulankiisii koowaad ee kooxda koowaad ee Barcelona u saftay August 2021, waxaana intii waqtigaas ka dambaysay uu ka mid ahaa ciyaartoyda inta badan kusoo bilowda.
Xulka qaranka Spain ayaa uu sidoo kae ka xoogsaday booskiisa isaga iyo saaxiibkiisa Barcelona ee Pedri, halka kooxdooda ay ka caawiyeen inay saddex dhibcood ka sarrayso Real Madrid oo kaalinta labaad fadhida.
Gavi oo ku guuleystay abaal-marinnada Golden Boy iyo Kopa Trophy ee xiddiga ugu wanaagsan da’yarta dunida ayaan illaa hadda ka mid ahayn kooxda koowaad ee Barcelona, waxaana uu ku tirsan yahay kooxda da’yarta, hase yeeshee Barca ayaa waxay LaLiga u gudbisay codsi ah in lagu beddelo booskii Memphis Depay.
Sida ay warbaahinta Spain xaqiijisay, LaLiga ayaa diiday inay Gavi ku daraan liiska ciyaartoyda koowaad ee Barcelona sababtoo ah heshiiskii cusbaa ee uu saxeexay oo burinaya jaan-goynta mushaharka, taas oo ka dhigan in aanu xidhan doonin No.6 oo ay kooxdu u qorshaysay.
Heshiiska cusub ee uu dhowaanta saxeexay oo soconaya illaa sannadka 2026, isla markaana lagu ladhay qodob dhigaya in €1 bilyan oo Gini lagu burburin karayo, ayaa waxa uu laacibkan ka joojiyey inuu kooxda koowaad ka mid noqdo iyo in uu beddelo No.30 oo uu u guuro No.6, waxaana uu sugi doonaa illaa xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka LaLiga kama horjoogsan doono Gavi inuu u ciyaaro kooxdiisa, waxaana uu si joogto ah uga tirsanaan doonaa isaga oo ku diiwaangashan liiska ciyaartoyda da’yarta ee heerka labaad.