Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Ninkii Lionel Messi Aamusiyay Oo France U Sheegay Sirta Lagu Aamusin Karo Kabtanka Argentina Kulanka Finalka

by Saed Mohamed
December 17, 2022
0
Ninkii Lionel Messi Aamusiyay Oo France U Sheegay Sirta Lagu Aamusin Karo Kabtanka Argentina Kulanka Finalka

Tababaraha Sacuudi Areebiya Herve Renard ayaa shaaca ka qaaday inuu garanayo sida lagu aamusin karo Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

Xiddigaha Renard ee Sacuudiga ayaa noqday xulka kaliya ee garaacay Argentina Koobkaan Adduunka iyagoo 2-1 kaga badiyay bishii la soo dhaafay.

Messi ayaa goolka furitaanka dhaliyay laakiin labo gool oo degdeg ah oo Sacuudiga ay dhaliyeen ayaa sabbatay lama filaankii ugu weynaa ee Koobka Adduunka abid.

Waxaa taasi ka sii daran inay ku guuleysteen inay aamusiyaan xiddiga Paris Saint-Germain, kaasoo marka laga soo tago rigooradii uu dhaliyay aan wax kale ciyaarta ku kordhinin.

ADVERTISEMENT

Laakiin tan iyo guuldaradaas, Messi wuxuu ciyaarayaa kubad ka timid duni kale, isagoo Argentina soo gaarsiiyay finalka oo ay la ciyaarayaan France.

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

35 jirkaan ayaa wadar ahaan dhaliyay shan gool halka uu seddex caawin sameeyay, wuxuuna shabaqa soo taabtay kulan walba oo knockout ah.

Laakiin tababaraha Sacuudiga Renard ayaa aaminsan inuu ogyahay sirta lagu celin karo Messi.

Wuxuu u sheegay wargeyska L’Equipe: “Inaad celiso Messi waxaad u baahan tahay inaad cadaadis saarto isku xirihiisa ugu muhiimsan De Paul.

“Waa qasab inaad Messi ka fogeyso goolka 35 ilaa 40 mitir, islamarkaana aadan u ogolaanin inuu kubada si raaxo leh u qabsado.

ADVERTISEMENT

“France waxaa howshaas u qabtay Matuidi sannadkii 2018kii. Haatan waxaa si la mid ah u sameyn kara Rabiot iyo Tchouameni.”

Faransiiska ayaa 4-3 ku garaacay Argentina kulankii wareega 16ka Koobkii Adduunka ee 2018kii ka dhacay dalka Ruushka.

Share413Tweet258
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.