Neymar ayaa sawir cusub uu ka qaaday canqowgiisa oo aad u bararsan soo dhigay baraha bulshada taasoo ka nixisay jamaahiirta xulka Brazil.
Xiddiga reer Brazil ayaa xiranaya kab weyn oo cadaadis sameysa si uu dhaqso uga soo bogsado dhaawaca ka gaaray canqowga.
30 jirkaan ayaa oohin uga baxay garoonka kulankii ay Brazil 2-0 kaga badisay Serbia todobaadkan.
Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa dhaawac xumi uu ka soo gaaray canqowga ka dib markii uu qalad ku galay Nikola Milenkovic.
Dhaqaatiirta Brazil ayaa ayaa walwal uu soo wajahay ka dib markii canqowga Neymar uu si aad ah u bararay.
Waxaa durbadiiba la xaqiijiyay in xiddiga reer Brazil uu seegayo labada kulan ee ka harsan wareega guruubyada Koobka Adduunka.
Laakiin Neymar ayaa haatan sawiro cusub ka baahiyay dhaawaciisda isagoo soo dhigay bogiisa Instagram.
Sawirada ayaa muujinaya in canqowgiisa uu weli saa’id u bararan yahay islamarkaana uu casaan yahay taasoo walwal gelineysa taageerayaasha.
Laakiin Neymar ayaa ku rajo weyn inuu hogaamiyo Brazil wareega 16ka haddii ay ka soo gudbaan wareega gruruubyada oo ay durbaba 3 dhibcood ku hogaaminayaan.