Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa loo sheegay, in uu iskaga tago Paris Saint-Germain xagaaga foodda inagu soo haya oo uu u wareego naadi ku habboon qaab-ciyaareedkiisa oo ka caawin kara inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or.
Neymar oo sannadkii 2017 ay PSG kaga soo iibsatay Barcelona lacagtii ugu qaalisanayd ee illaa hadda ciyaartoy lagu iibsado oo ah £200 milyan oo Gini, ayaa waxa heshiiska uu kula jiro kooxda reer France uu soconayaa illaa sannadka 2025, waxaana muddadii uu joogay Parc des Princes uu u saftay 167 ciyaarood oo uu u dhaliyey 115 gool iyo 73 kale oo uu caawiyey.
Muddadii uu joogay PSG, waxa uu Neymar ka caawiyey inay kooxdu ku guuleysato afar horyaal oo Ligue 1 ah, laba French Cup iyo koobab kale oo maxalli ah iyaga oo sannadkii 2020 ay PSG tagtay finalka Champions League markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Si kastaba, halyeygii Brazil ee Rivaldo ayaa rumaysan in PSG aanay ahayn koox ku habboon qaab ciyaareedka Neymar, waxaana uu usoo jeediyey in uu iskaga tago iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda Faransiisku ay diyaar u tahay inay qiime hooseeya ku iibiso.
Rivaldo oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay, in ay suurtogal tahay, in PSG ay ka iibiso Neymar kooxaha horyaalka Premier League ee Manchester City, Chelsea iyo Newcastle, waxaase uu si gaar ah ugu tilmaamay kooxda ku habboon qaab-ciyaareedkiisa, waxaanu yidhi: “Haddii aan si daacad ah u hadlo, ilama aha in ay dhacayso in uu Neymar ka tago PSG waqtigan.
“Laakiin way isbeddeli kartaa xaaladdu xagaaga, waxaana iman karta fursad ay ku iibiso si ay u hesho qayb ka mid ah lacagtii ay ku maalgelisay. Kooxaha Premier League ayaa albaabada u furi kara Neymar.”
Rivaldo oo sannadkii 1999kii ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa si toos ah u tilmaamay kooxda uu rumaysan yahay inay ku habboon tahay Neymar, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan rumaysanahay in Manchester City ay tahay kooxda ugu habboon ee uu kusoo baxayo Neymar, sababtoo waxay siin karayaan fursad fiican oo uu ku guuleysan karayo, waxaanu u ciyaari lahaa koox ku dheelaysa qaab weerr ah, ciyaaraysana kubaddii Pep Guardiola.”