24 saacadoood ayaa kasoo wareegtay geerida halyeygii reer Brazil ee Pele, laakiin saddexda maalmood ee soo socda ayaa uu dalkaasi fasax ahaan doonaa oo baroor-diiq loo samaynayaa.
Garoonka Santos FC Stadium ayaa albaabada loo furi doonaa maalinta Isniinta oo meydkiisa la geyn doonaa iyadoo taageereyaashuna usoo buuxin doona.
Santos oo ahayd kooxdii uu u ciyaarayay muddadii u dhaxaysay 1956kii ill 1974kii balse laba sannadood oo kaliya uu ka maqnaa ayaa qayb weyn ka qaadanaysa baroor-diiqda, iyadoo maalinta Salaasadana la aasi doono.
Ciyaartoyda reer Brazil ayaa la filayaa inay intooda badan ka qayb-galaan aaska Pele, hase yeeshee Neymar iyo Marquinhos ayaa loo diiday inay u safraan Brazil oo ay ka qayb-galaan aaskaas. Kooxdooda PSG ayaa la sheegay inay ka hor joogsaday xiddigaheedan inay tagaan Brazil.
Edson Arantes do Nascimento oo loo yaqaanay Pele ayay PSG u sheegtay ciyaartoydeeda inay u samayn doonto xus gaar ah, laakiin aanay u fasaxayn labadan laacib inay tagaan, iyadoo waliba Neymar uu ganaax kaga maqnaanayo kulanka Lens ee Axadda.
Safar dheer oo murugo ku lmmaan tahay oo ay u galaan Brazil, waxay PSG rumaysan tahay in ciyaartoydeedu kasoo qaadi doonaan dal iyo tacab badan oo ay adkaan doonto inay ciyaaraan kulanka xiga, sidaas darteedna ay uga horjoogsatay Marquinhos iyo Neymar Jr.
Qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay Neymar ayuu ku sheegay, in Pele ka hor aanu wax qiimo ah lahayn No.10, laakiin uu isagu ka dhigay mid ixtiraam leh oo ciyaartoyda ugu wanaagsan loo geliyo.