Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Neville Iyo Carragher Oo Isku Khilaafay Kooxda Ku Guuleysanaysa Premier League Xilli Ay Soo Saareen Saadaashooda Badhtamaha Xilli-ciyaareedka

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Neville Iyo Carragher Oo Isku Khilaafay Kooxda Ku Guuleysanaysa Premier League Xilli Ay Soo Saareen Saadaashooda Badhtamaha Xilli-ciyaareedka

Gary Neville iyo Jamei Carragher ayaa isku khilaafay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee ay hoggaankiisa shanta dhibcood ee nadiifta ah ku hayso Arsenal oo ay waliba ciyaar baaqi u tahay, taas oo Axaddii saddex dhibcood ka qaadtay Manchester United.

ADVERTISEMENT

Gunners ayaa 19 ciyaarood oo ay dheeshay ka xoogsatay 50 dhibcood, halka Man City oo 20 kulan ciyaartayna ay shan dhibcood ka dambayso oo ay haysato 45 dhibcood.

Labadan kooxood ayaa ciyaari doona laba kulan oo Premier League ah oo maalmo kooban u dhaxayn doonaan, waxaanay taasi keentay is-maandhaaf iyo kala aragti duwanaansho dad badan ah, sababtoo ah waxay in badan rumaysan yihiin in ay Manchester City lix dhibcood ka qaadan doonto Gunners oo ay sidaas ku dhaafi doonto.

Gary Neville iyo Jamei Carragher ayaa Isniintii waxay daadihinayeen barnaamijka sannadlaha ah ee MNF ee ka baxa Sky Sports ee lagu sameeyo saadaasha, waxaana uu midba meel ka istaagay kooxda horyaalka ku guuleysan doonta iyo sidoo kale afarta kooxood ee Premier League ugu sarrayn doonta xilli ciyaareedka.

ADVERTISEMENT

Jamie Carragher oo ay kooxdiisii hore ee Liverpool fadhido kaalinta siddeedaad ayaa waxa uu horyaalka u cumaamaday Arsenal oo uu rumaysan yahay in 19 sannadood oo ay ka qatanayd kaddib ay ku guuleysan doonto, laakiin Gary Neville ayaa wali kusii dhegsan in Manchester City ay horyaalka difaacan doonto oo ay dhaafi doonto Arsenal.

Sidoo Kale Akhri

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

February 7, 2023
Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

February 7, 2023

Laba arrimood oo kaliya ayay isku waafaqeen Gary Neville iyo Jamei Carragher oo ay isku aragti ka noqdeen, waana xiddiga sannadka ee horyaalka Premier League iyo tababaraha sannadka oo ay u qaybiyeen Arsenal iyo Manchester City.

Tababaraha sannadka ayay u wada doorteen inuu noqonayo Mikel Arteta, halka xiddiga sannadka ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League ay labaduba u diideen Martin Odegaard oo ay dad badan u saadaalinayaan, waxaanay isku waafaqeen in uu u qalmo mishiinka goolasha Manchester City ee Erling Haaland.

Waxa kale oo saadaasha barnaamijka MNF oo sannadkiiba hal mar la qabto badhtamaha xilli-ciyaareedka horyaalka Premier League ay Gary Neville iyo Jamei Carragher ku sameeyeen min afarta kooxood ee ugu sarrayn doona oo ay iyagana ku kala duwanaadeen, iyo min hal koox oo khadka cas ku jirta oo sare usoo kici doonta.

Halkan kaga bogo Saadaasha Gary Neville iyo Jamei Carragher ee badhtamaha xilli ciyaareedka

ADVERTISEMENT

Horyaalka

Carragher: Arsenal

Neville: Man City

Afarta sare

Carragher: Arsenal, Man City, Man Utd, Newcastle

Neville: Man City, Man Utd, Arsenal, Tottenham

Kooxaha soo kacaya

Carragher: Wolves

Neville: Everton

Xiddiga Sannadka

Carragher: Erling Haaland

Neville: Erling Haaland

Tababaraha Sannadka

Carragher: Mikel Arteta

Neville: Mikel Arteta

Share354Tweet221
ADVERTISEMENT

Related Posts

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Fadeexadda ku habsatay kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa farqa lasoo gashay halyeyga reer Ivory Coast ee Yaya Toure oo...

Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Ciyaarta adag ee Arbacada ka dhacaysa Old Trafford ee Manchester United  iyo Everton, ayaan laga daawan doonin waddanka UK, inkasta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.