NAXDIN: Afar Xiddig Oo Barcelona Xalay Kaga Dhaawacmay Kulamada Caalamiga Ah & Xogta Xaaladooda

Kulamada caalamiga ah ayaa ah kuwo ay kooxaha Yurub khaati ka taagan yihiin oo ay badi kaga dhaawacmaan xiddigo halbawlayaal u ah kooxahooda.

Sidaas ayaa xalay ku dhacday kooxda Barcelona oo xilli ciyaareedka ilaa haatan qaab fiican kusoo jirtay kana ducaysanaysay wax dhaawacyo ah kahor jadwalkooda cidhiidhiga ah ee bisha October.

Barca ayay ka dhaawacmeen xiddigaha kala ah Frankie De Jong iyo Memphis Depay oo xulka Netherlands metelayay kana hortagay Poland, Jules Kounde iyo Ousmane Dembele oo xulka France kaga hortagayay Austria.

Advertisements

Saxafiga ree Spain ee Javi Miguel oo xaaladooda haatan xog ka bixiyay ayaa sheegay in dhaawacyada Dembele iyo De Jong aysan xumayn oo xulalkooda lasii joogi doonaan balse Memphis iyo Kounde degdeg ugu laabanayaan Barcelona si halkaas baadhitaano dheeri ah loogu sameeyo.

Barca ayaa bisha dambe ee October u baahan ciyaaryahan kasta oo kooxdeeda ah maadaama oo ay aad u mashquulayso sagaal kulana mudada ciyaarayso.

Kulamada ugu muhiimsan ee Barca bishaas sugaya ayuu kamid yahay midka El-Clasico ee ay 16-ka bisha Santiago Bernabeu ku booqanayaan Real Madrid.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada