“Natiijadani Kama Turjumayso Qisada Dhabta Ah” – Pedri Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Dhabta Ahayd Ee Bayern Munich U Sahashay Inay Garaacdo Kooxdiisa Barcelona

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Pedri ayaa ka hadlay guul-darradii kooxdiisu xalay kala soo kulantay Bayern Munich oo 2-0 kusoo garaacday kulan ka dhacay Allianz Arena oo ka tirsanaa Champions League.

Barcelona oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa lagu dilay laba fursadood oo qaybtii labaad ay heshay Bayern Munich oo ay u kala dhaliyeen Lucas Hernandez iyo Leroy Sane, waxaana Leroy Sane uu rumaysan yahay in kooxdiisu aanay u qalmaynin guul-darradan soo gaadhay.

19 jirkan oo ciyaarta kaddib waraysi siinayay warbaahinta ayaa ku dooday in natiijada kulankaasi aanu ka turjumayn sheekadii dhabta ahayd ee ciyaarta, balse ay qisada dhabta ahi ka duwanayd, isaga oo sharraxay sidii ay wax  u dhaceen, waxaanu yidhi: “Natiijadani ma sheegayso qisadii dhabta ahayd. Ciyaartii aanu qaybtii hore soo bandhignayd waxay u qalmaysay wax ka badan 0-0. Waxa aanu helnay fursado aanu ku hormari karaynay, laakiin haddii aad ku fashilanto in aad ka faa’iidaysato fursadaha aad ka hesho koox weyn sida Bayern, waad ka shallaynaysaa.

Advertisements

“Waxay nagu dhaafeen laba qalad oo aanu samaynay, laakiin hadda waa waqtigii aanu wax sixi lahayn ee aanu xasuusan lahayn in aanu qaybtii hore si fiican u ciyaarnay.”

Barcelona ayaa inta badan ciyaarta maamulaysay, waxaanu ku sarraysay fursadaha iyo gacan ku haynta ciyaarta, sidoo kalena iyaga  ayaa sameeyey baasaska ugu badan ee kulanka, inkasta oo aanay wax natiijo ah ku keenin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada