Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Mykhailo Mudryk Oo 35 Daqiiqadood Oo Kaliya Ku Jabiyey Rikoodh U Yaallay Horyaalka Premier League

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Mykhailo Mudryk Oo 35 Daqiiqadood Oo Kaliya Ku Jabiyey Rikoodh U Yaallay Horyaalka Premier League

Saxeexa cusub ee Chelsea ee Mykhailo Mudryk ayaa durba jabiyey rikoodh u yaallay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib 35 daqiiqadood oo kaliya oo uu ciyaaray kulankii Liverpool ee Sabtidii oo uu beddel kusoo galay, taas oo ahayd ciyaartiisii koowaad.

ADVERTISEMENT

Mykhailo Mudryk ayaa muujiyey bandhig heersare ah iyo in aanu u baahnayn la-qabsi horyaalka Premier League ah, waxaana daqiiqadihii uu garoonka ku jiray uu ka farxiyey tababare Graham Potter iyo Todd Boehly oo £89  milyan oo Gini kasoo bixiyey.

Daqiiqaddii 55aad ayuu Graham Potter sameeyey beddel, waxaana uu soo geliyey Mykhailo Mudryk oo dhibaato badan ku abuuray ciyaartoyda Liverpool ee garoonkooda Anfield ku ciyaarayay, waxaanay taageereyaasha Chelsea markiiba bilaabeen inaya ku tilmaamaan Eden Hazard-ka cusub.

Inkasta oo uu 35 daqiiqadood ciyaaray, haddana waxa uu Mykhailo Mudryk oo 22 jir ah uu rikoodh cusub ka sameeyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, isaga oo orday 36.63 km saacaddii, waana xawaarihii ugu dheeraa ee horyaalka Premier League uu ciyaartoy ka sameeyo xilli ciyaareedkan.

Waxa uu jabiyey rikoodhkan ciyaartoyda xawaaraha ugu dheereeya ee orodka sameeyey xilli ciyaareedkan oo ah ahaa weeraryahanka Everton ee Anthony Gordon oo 36.1km/h orday, halka uu weeraryahanka Liverpool ee Darwin Nunez uu u dhacay saddexaad isaga oo xawaaraha orodka loo diiwaangeliyey uu yahay 36.53km/h.

Erling Haaland iyo Denis Zakaria ayaa isku xiga oo jaray xawaare orod oo ah 36.22 km/h iyo 36.09 km/h sida ay magacyadoodu u kala horreeyaan.

Mudryk ayaa rajaynaya inuu ciyaartiisa koowaad ee Premier League ah kusoo bilaaban doono kulanka Fulham ee February 3.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
Share411Tweet257
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.