Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Muxuu Yahay Xanuunka Ku Dhacay Neymar Ee Sii Dilaya Fursaddiisii Koobka Adduunka?

by Abdiwahab Ahmed
November 29, 2022
0
Muxuu Yahay Xanuunka Ku Dhacay Neymar Ee Sii Dilaya Fursaddiisii Koobka Adduunka?

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ee u jiifa dhaawaca  ayaa waxa ku dhacay xanuun sii xumaynaya rajadiisii uu ka qabay inuu kusoo laabto xulka dalkiisa oo uu u ciyaaro kulamada Koobka Adduunka ee wareegga 16ka iyo marxaladaha kasii dambeeya haddii ay usoo baxaan.

ADVERTISEMENT

Neymar oo uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta ciyaartii koowaad ee Koobka Adduunka ee ay Serbia 2-0 ku garaaceen, ayaa waxa uu ka maqnaa ciyaartii Switzerland ee Isniintii, iyadoo uu awoodi waayey inuu yimaaddo garoonka 974 Stadium. Sidoo kale, ciyaarta Jimcaha ee Cameroon ayaanu qayb ka noqon doonin.

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite iyo garabka weerarka ee Vinicius Junior ayaa xaqiijiyey in ka sokow dhaawaca uu Neymar u jiifo xanuun ku dhacay oo u diiday inuu yimaaddo garoonka ciyaartii Switzerand.

Neymar ayaa la sheegay in ay ku dhacday xummad daran oo uu kasoo bixi kari waayey hotelka ay ciyaartoyda xulka Brazil deggan yihiin, waxaanu ciyaartii Switzerland ka daawanayey telefishanka.

ADVERTISEMENT

Garabka weerarka Real Madrid ee Vinicius Junior oo ciyaarta kaddib wax laga weydiiyey xaaladda Neymar ayaa yidhi:  “Neymar waxa uu joogay hotel, waxaana haysay xummad. Dhamaantayo waxa aanu ugu ducaynaynaa inuu si degdeg ah uga soo kabto xanuunka iyo dhaawaca.”

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Vinicius ayaa gool dhaliyey ciyaartii Switzerland, waxaana uu u dabbaal-degay sidii Neymar oo kale, hase yeeshee VAR ayaa diidday goolkaas.

Neymar ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada waxa uu ku yidhi: “Gool heersare ah ayuu ahaa. Waa ceeb in aan goolkaas la xisaabin, laakiin way mahadsan yihiin ciyaartoydayadu.”

ADVERTISEMENT
Share321Tweet201
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.