Jules Kounde ayaa diirada saaraya inuu koob aduunkiisii ugu horreeyay kula guuleysto xulkiisa France balse marka uu kusoo laabto Barcelona ayuu heli karaa war uusan ku farxin.
Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Kounde ayay macquul tahay in lagu qasbo inuu daafac midig ka ciyaaro inta xilli ciyaareedka ka hadhsan iyadoo Jordi Cruyff iyo Joan Laporta labaduba qirteen inay adkaan doonto inay saxeexyo sameeyaan suuqa January.
Daafacyada midig ee haatan Barca jooga ayaa ah Hector Bellerin iyo Sergi Roberto balse midkoodna si weyn uma aaminsana tababare Xavi Hernandez.
Taas ayaa ka dhigan in Xavi markale daafaca midig ka dheelsiin doono Kounde oo bilihii August iyo September badi halkaas ka ciyaarayay.
Jules ayaa dhawr jeer si cad u sheegay in booskiisa asalka ah ee uu raaxada ku dareemaa yahay daafaca dhexe balse haddiiba uu Xavi weydiisto ayuu 24 sano jirkaasi shaqada daafaca midig hayn doonaa.
Kounde ayaa haatanba daafaca midig uga dheelaya xulkiisa France ee afar dhammaadka koobka aduunka habeen dambe la ballansan Morocco.