Morocco ayaa isku qortay taariikhda kubada cagta Adduunka ka dib markii ay noqdeen xulkii ugu horeeyay ee Afrika ee soo gaaraya wareega afar dhamaadka laakiin safarkoodii cajiibka ahaa waxaa soo afjartay xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France.
Faransiiska ayaa 2-1 ku badiyay kulankii semi-finalka iyagoo finalka ku balansaday xulka Argentina oo xalay ka soo gudbay Croatia.
Hal ciyaaryahan oo wacdarro u dhigay Morocco waa xiddigaha khadka dhexe Sofyan Ambrabat.
Ciyaaryahanka Fiorentina ayaa in ka badan 40 kubadood dib u soo ceshtay intii uu tartanka ku jira taasoo keentay in si weyn loo hadal hayo.
Ka dib markii ay Spain ku garaaceen rigoore, Ambrabat ayaa bogiisa Instagram soo dhigay sawir uu garbaha ku sido xiddiga khadka dhexe ee Spain Gavi madaama uu kulankaas qariyay xiddiga da’da yar.
Si kastaba, Ambrabat ayaa tirtiray sawirka ka dib markii jawaab celin carro leh ay ka bixiyeen taageerayaasha Spain. Xiddiga Morocco ayaana raaligelin ka bixiyay dhacdadaan isagoo u waramay jariirada Marca.
“Waxaan doonayaa inaan sharaxo wixii dhacay. Aniga ayaa iska leh Instagram-keyga laakiin waxaa jira qof kale oo waxyaabo ii soo dhigay. Waxay sawirka u soo dhigeen si kaftan ah.
“Ixtiraam ayaan u hayaa Spain, markii aan maqlay inaysan dadku jecleysanin, durbadiiba waan masaxay. Haddii aan cid ka careysiiyay waxaan weydiisanayaa inay i cafiyaan. Markii ay dadku ka caroodeen waa tirtiray durbadiiba.”
Amrabatayaa amaanay Gavi iyo xiddigo kale oo uu sheegay inuu jecel yahay qaab ciyaareedkooda.
“Pedri, Gavi waa ciyaartooy tayo badan leh . Shaqsi ahaan waxaan jeclahay halyeeyada sida Iniesta tusaale ahaa. Sidoo kale waxaan ku dayin jiray Zidane iyo Xavi Hernandez oo ah ciyaartooy caqli badan. Wax badan ayaan daawaday iyaga. Dhaqdhaqaaqooda wuxuu ahaa heer kale.”