Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Muxuu Xiddiga Koobka Adduunka Cody Gakpo Ka Yiri Inuu U Wareegayo Man United Bisha Janaayo?

by Saed Mohamed
November 27, 2022
0
Muxuu Xiddiga Koobka Adduunka Cody Gakpo Ka Yiri Inuu U Wareegayo Man United Bisha Janaayo?

Xiddiga u soo baxay xulka Netherlands ee Cody Gakpo ayaa qirtay inay wax walba suurtogal tahay bisha Janaayo isagoo diiday inuu meesha ka saaro inuu u wareegayo Manchester United.

ADVERTISEMENT

Weeraryahanka PSV Eindhoven ayaa wacdarro ka dhigaya Koobka Adduunka ee Qatar isagoo labo gool u dhaliyay xulka Holland ilaa iyo haatan.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha waa weyn ee qaarada Yurub iyadoo suuqa kala iibsiga uu furmayo bisha Janaayo ee sannadka cusub.

United ayaa u baahan weeraryahan cusub ka dib markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo, iyagoo xagaagii isku dayay saxiixa Gakpo.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, Erik ten Hag ayaa weli xiiseynaya saxiixa Gakpo, kaasoo haatan sheegay inuu u furan yahay inuu u wareego Old Trafford bisha Janaayo.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

“Haatan waxaan diirada saarayaa Koobka Adduunka” ayuu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Mar walba waa wax aad u fiican in la maqlo wararka xanta ah laakiin diiradeyda halkay ayay saaran tahay iyo inaan shaqadeyda ugu fiican qabto. Kama xishoodo wararka xanta ah. Laakiin kubada waa mid kooxeed ee ma ahan mid shaqsi ah.”

Markii la weydiiyay haddii uu u wareegayo Manchester United, Gakpo ayaa yiri:

“Waan arki doonaa waxa dhaca bisha Janaayo. Wax walba waa suurtogal.”

ADVERTISEMENT
Share396Tweet247
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.