Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Muxuu U Sheegay? Ibrahima Konate Oo Daboolka Ka Qaaday Farriin Qoraal Ah Oo Uu Ka Helay Alexander-Arnold Ka Hor Ciyaarta England vs France

by Abdiwahab Ahmed
December 8, 2022
0
Alexander Arnold Konate

Alexander Arnold iyo Konate

Difaax xulka qaranka France ee Ibrahima Konate ayaa shaaciyey farriin qoraal ah oo uu ka helay Trent Alexander-Arnold ka hor ciyaarta wareegga siddeedda Koobka Adduunka ee France vs England, taas oo kusoo beegmaysa saddex maalmood ka hor ciytaartooda.

ADVERTISEMENT

Les Blues ayaa waajahaysa Three Lions, waxaana xulalka Didier Deschamps iyo Gareth Southgate ay ka mid yihiin dalalka aadka loogu saadaalinayo inay ku guuleysan doonaan Koobka, inkasta oo midkood uu tartanka ku macasalaamayn doono wareegga siddeedda.

Ibrahima Konate oo u warramayay warbaahinta RMC Sport ee waddanka Faransiiska ayaa sheegay in uu farriin qoraal ah uu Trent Alexander-Arnold ugu soo diray telefoonka gacanta, taas oo wixii ku qornaa uu saxaafadda la wadaagay, waxaanu yidhi: “Xafiiltankayagu [France vs England] muddo dheer ayuu soo jiray, markii aan xulka da’yarta ee 16-jirrada ka tirsanaa waxa aanu la ciyaarnay England, waxaanay ahayd ciyaar ka duwan.

“Xafiiltankayagu wuu jiray tan iyo waqtigaas. Alexander-Arnold waxa uu farriin qoraal ah iigu soo diray ‘waa inoo Sabtida oo aynu is-arki doono walaal’, sababtoo ah aad ayaanu iskugu dhow nahay isaga.”

ADVERTISEMENT

France iyo England kuma aanay kulmin Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1982kii, waxaana tartankii weynaa ee iskugu dambeeyey ee ay isku arkeen uu ahaa Euro 2012.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share366Tweet229
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.