Saadaasha Koobka Adduunka ee sannadkan waxa kusoo korodhay oo durba la hadal-hayaa hasha dhiicada leh ee Camilla oo kala saartay labada xul ee colaadda guunka ahi ka dhaxayso ee England iyo Iran, iyadoo uu libinta siisay Ingiriiska.
Hashan dhiicada leh ee Camilla ayaa waxa loo isticmaali doonaa saadaasha kulamada Koobka Adduunka, si la mid ah saadaalihii koobabkii adduunka ee hore ee xayawaannada kala duwan ay caanka noqdeen.
Calamada dalalka wada ciyaaraya ayaa la sudhayaa laba birood oo kala duwan, waxaana hoggaanka loosii deynayaa hashan dhiicada leh oo midkooda ay sida tooska ah u abbaarto la siinayo saadaasha guusha.
Hashan oo ay iska leeyihiin Jenny iyo Vernon Moore oo 52 jirro ah, kuna nool deegaanka Melton Mowbray ee Leics ayaa waxay sheegeen in aanay waligood hashoodu samaynin wax qalad ah oo ay takhasus ku tahay saadaasha.
Qoyskan ayaa sidoo kale sheegay, in wixii ay saadaaliso hashoodu la arko oo ay run noqdaan, balse dooddooda waqti yar oo kooban ayaa ka hadhsan haddii ay run noqon doonto iyo haddii ay beenoobi doonto.
Waxa kale oo ay hashani saadaalisay kulanka furitaanka Koobka Adduunka ee Qatar iyo Ecuador ee caawa, waxaanay guusha siisay Ecuador.