Xiddiga reer Brazil ee Casemiro ayaa xagaagii go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisii Real Madrid, si ay mar kale u midoobaan saaxiibkiisii hore ee Cristiano Ronaldo oo ay mar kale ka wada ciyaareen Manchester United, hase yeeshee waqtigooda Old Trafford ayaa kusoo dhamaaday saddex bilood oo kaliya.
Casemiro oo ku sugan waddanka Qatar oo xulka qarankiisa Brazil kala qayb-gelaya Koobka Adduunka, ayaa waxa uu ku war helay in Manchester United ay burburisay heshiiskii ay kula jirtay Cristiano Ronaldo, taas oo ka dhigan in aanay mar dambe helayn fursad ay kaga wada ciyaaraan Old Trafford.
Ronaldo ayaa hadda ah ciyaartoy xor ah oo raadinaya kooxdii uu u ciyaari lahaa, halka Casemiro uu dib ugu laaban doono Manchester United oo aanu joogin saaxiibkiisii ay muddada dheer iska soo garab ciyaareen ee Casemiro oo waqtigoodii Real Madrid ay ku wada guuleysteen afar Champions League.
Kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro ayaa la weydiiyey waxa uu sameeyey markii uu maqlay in Manchester United ay eriday Cristiano Ronaldo, sida haddii uu wax xidhiidh ah la sameeyey saaxiibkii, waxaanu ku jawaabay: “Anigu illaa hadda wax farriin ah uma dirin isaga, laakiin Cristiano waa wiil khibrad leh oo garanaya waxa u wanaagsan xirfaddiisa.
“Dabcan waanu ka murugaysanahay, gaar ahaan Manchester United sababtoo ah waxa aad ka hadlaysaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta. Laakiin Cristiano waa nin koray oo garanaya wax u fiican.”