Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay in kooxdiisu ay hoggaanka Premier League toddoba dhibcood oo saafi ah ku qabatay xalay oo ahayd habeenkii ugu dambeeyay sanadka 2022.
Kaddib barbardhaco ay galeen kooxaha ugu soo dhaw ee Man City iyo Newcastle United, Arsenal ayaa guul 4-2 ah kasoo gaadhay Brighton oo ay Amex Stadium ku booqatay.
Arsenal ayaa hoggaanka tobban dhibcood ku qaban karta haddii ay Newcastle Salaasada guul ka gaadho kahor inta aysan Man City booqan Chelsea Khamiista.
Laakiin Mikel Arteta oo kulankaas kaddib hadlay ayaa sheegay in ay waxbadani hadheen isla markaana isagu ku farxi doono marka uu arko ciyaartoydiisa oo ka wada hadlaysa wixii ka qaldamay xalay.
“Wali waa silsilad dheer oo ay tahay inaanu socono, farxadaydu waxay ka imanaysaa marka aan qolka labiska tago ee marka ay ciyaartoydu ka wada hadlayaan wixii ay ahayd inay maanta si ka fiican u qabtaan” ayuu yidhi Mikel.
“Taasi waxay ka dhigantahay inay ogyihiin inaanu wali si kasii fiican u ciyaari karno, kulanka aanu Newcastle kahor tagayno waa inaanu sidan ka fiicnaanaa”.
“Waanu ogayn natiijada (Kulankii Man City v Everton) balse waxa wanaagsani waa inaanu halkan nimid oo guuleysanay si aanu sidaas u samaynana waxay ahayd inaanu qaabka ugu sarreeya horyaalka u ciyaarno”