Dhawaan ayay ahayd markii hay’ada ugu weyn kubadda cagta ee FIFA ay shaacisay magacyada xiddigaha ku tartami doona abaalmarinta xiddiga sanadka ee FIFA The Best.
Waxa jira hal magac oo aan si fiican uga daadagin taageerayaasha dhaliyayna falcelin badan waana da’yarka weerarka kooxda Man City iyo xulka Argentina ee Julian Alvarez.
Julian oo xagaagii hore si rasmi ah ugu soo wareegay City ayaa kamid ahaa xiddigihii Argentina ku hoggaamiyay Koobka aduunka bishii hore balse aan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa.
Sababta ugu weyn ee Alvarez booska uga heli waayay Pep Guardiola ayaa ah mashiinka goolasha ee Erling Haaland oo durba 27 gool maraya xilli ciyaareedka.
Liiska xiddigaha FIFA The Best u tartamaya ayaa la qiimaynaya qaab ciyaareedkooda intii u dhaxaysay August 2021 ilaa December 2022.
Alvarez ayuu wakhtigaasi mid guuleed u ahaa, marka laga yimaado wacdarihii Koobka aduunka sidoo kale waxa uu kusoo guuleystay xiddiga sanadka ee qaarada South America oo dhan.
Halkan kaga boggo falcelinta taageerayaasha qaar la yaabay in Alvarez liiskan kusoo baxay:
“Maxay tahay sababta Alvarez halkaas u joogaa, kaliya saddex bilood kahor ayuu soo baxay”
“Maxaa baas ee uu Julian Alvarez halkaas ka qabanayaa”.
“Ha rumaysan qofksta oo aaminsan in Alvarez u ciyaaray si ka wanaagsan Ronaldo, waligay ma arag ixtiraamdarradaas oo kale”
“Sidee ayaad ugu gorgortami kartaa abaalmarin weyn oo shaqsi ah haddii aanad kooxdaada kulan kasta u ciyaarin”
“Alvarez Lol”