Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Muxuu Lionel Messi Ka Yiri Dharbaxaadii Xulkiisa Argentina Maanta Ka Soo Gaartay Sacuudi Areebiya?

by Saed Mohamed
November 22, 2022
0
Muxuu Lionel Messi Ka Yiri Dharbaxaadii Xulkiisa Argentina Maanta Ka Soo Gaartay Sacuudi Areebiya?

Lionel Messi ayaa qirtay in Argentina ay isku dhex yaacday ka dib guuldaradii lama filaanka ku aheyd ee ka soo gaartay Sacuudi Areebiya kulankii Koobka Adduunka ee ka dhacay Lusail Stadium.

ADVERTISEMENT

Messi ayaa sidoo kale qirtay in durbaba rajadooda Koobka Adduunka ay xariiqda dul saaran tahay.

Messi ayaa rigoore hogaanka ugu dhiibay Argentina qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta aysan Sacuudiga labo gool degdeg ah afar daqiiqo gudaheed hogaanka kula wareegin qeybtii labaad ee ciyaarta.

Sacuudi Areebiya ayaana hogaankeeda ilaashatay ilaa dhamaadkii ciyaarta taasoo ka saaciday guul taariikhi leh oo ay ka gaareen Argentina.

ADVERTISEMENT

Argentina durbaba xaalka ayaa ku xun madaama ay u harsan yihiin kulamo adag oo ay la ciyaarayaan xulalka Poland iyo Mexico.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

Ciyaarta ka dib, Messi ayaa warbaahinta ku yiri: “Shan daqiiqo oo aan qaladaad sameynay waxaan dhuminay hogaanka waxaana is aragnay anagoo 2-1 na lagu hogaaminayo. Waan isku dhex yaacnay, waxaan noqonay kuwa karoosyo uun ku tuuraya xerada goolka, waxayna ciyaarta nagu noqotay mid adag.”

Messi ayaa hadalkiisa raaciyay inaysan jirin marmarsiiyo ay xulkiisa sameyn karaan inkastoo seddex gool offside looga diiday.

“Waan arkay in offside-yadu ay ahaayeen kuwa cadaalad ah. Ma aanan arkin muuqalada laakiin haddii la diiday waxay dabcan ahaayeen go’aano sax ah. Marmarsiiyo ma jirto.”

Isagoo ka hadlayay xulka Sacuudiga, Messi ayaa yiri: “Waan ogeyn inay ahaayeen koox haddii aan u ogolaano inay ciyaaraan, si fiican u dheeli kara, waxayna nagu riixeen difaacooda adag.”

ADVERTISEMENT
Share539Tweet337
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.