Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Muxuu Kusoo Dhammaaday Kulankii Albaabadu U Xidhnaayeen Ee Dhex Maray Arsenal Iyo Watford?

by Apdihakem Omer Adam
December 4, 2022
0
Muxuu Kusoo Dhammaaday Kulankii Albaabadu U Xidhnaayeen Ee Dhex Maray Arsenal Iyo Watford?

Arsenal ayaa kulan saaxiibtinimo oo kamida qorshayaasheeda inta koobka aduunku socdo la ciyaartay kooxda heerka labaad ee England ee Watford.

ADVERTISEMENT

Ciyaartaas oo albaabadu u xidhnaayeen kana dhacday xerada tababarka Arsenal ayaa kusoo dhammaatay 4-2 iyadoo Watford guusha la hoyatay.

Mikel Arteta ayaa qaybta hore ee kulanka shax xoogan kusoo galay isagoo kusoo bilaabay 11-ka xiddig ee kala ah Hein; Cedric, Holding, Gabriel Magalhães, Tierney; Elneny, Lokonga; Ødegaard, Nelson, Marquinhos; Nketiah.

Qaybta hore ee xiddigaha kooxda koowaad ahi u dheelayeen ayay Arsenal hoggaan 2-1 ah ka haysay kooxda tababare Slaven Billic kaddib goolal ka yimid Eddie Nketiah iyo Marquinhos.

ADVERTISEMENT

Intaas kaddib Arteta ayaa doortay inuu isbedelo sameeyo isagoo tobban bedel sameeyay soona geliyay kulanka qaar kamida da’yarta kooxda laakiin goolal ay dhaliyeen xiddigaha Watford ee Keinan Davis, Yaser Aspirilla iyo Joao Pedro ayay kulanka dhinaca kale ugu rogeen Hornets.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Daafaca Ben White oo sababo shaqsi ah uga soo tagay xulka England ee koobka aduunka ayaan la filayn inuu durba ku biiro xiddigaha kooxdiisa Arsenal ee isku diyaarinaya qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa sidoo kale shalay helay warka aan u fiicnayn ee ah inuu dhaawac jilibka ahi gaadhay weeraryahan Gabriel Jesus.

ADVERTISEMENT
Share337Tweet211
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.