Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Muxuu Harry Maguire Ugu Duceysanayaa In Argentina Ay Ku Guuleysato Koobka Adduunka? Muxuu Tahay Faa’idada Ugu Jirta?

by Saed Mohamed
December 16, 2022
0
Muxuu Harry Maguire Ugu Duceysanayaa In Argentina Ay Ku Guuleysato Koobka Adduunka? Muxuu Tahay Faa’idada Ugu Jirta?

Harry Maguire ayaa fursad ka heli doona Manchester United haddii Argentina ay ku guuleysato Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Tababare Lionel Scaloni iyo ciyaartoydiisa ayaa la filayaa inay dib ugu laabtaan caasimada Argentina ee Buenos Aires Talaadada si ay u dabaaldegaan haddii ay ku guuleystaan Koobka Adduunka markii seddexaad.

Laakiin waxaa taasi keeni doontaa in daafaca Manchester United Lisandro Martinez iyo afar xiddig kale oo Argentina ah inay seegaan kulamada Premier League ee maalinta Boxing Day.

Maqnaanshaha daafaca Lisandro Martinez waxay albaabka u furi doontaa Maguire inuu dib ugu soo laabto shaxda tababare Erik ten Hag isagoo ciyaari lagu soo bilaabi karo kulanka Nottingham Forest ee 27ka December.

ADVERTISEMENT

Maguire ayaana ku duceysanaya in Argentina ay ku guuleysato Koobka Aduunka si Lisandro Martinez uu u helo fasax dheeri ah taasoo ka caawineysa inuu ku soo laabto shaxda kooxda.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Sidoo kale waxaa caawin karta in Varane uu France kula guuleysto Koobka Adduunka laakiin Raphael Varane ayaa si dhaqso ah ugu soo laaban kara England madaama France ay deris yihiin Ingariiska halka Argentina ay tahay duulimaad waqti dheer ah oo dhowr wadan loo marayo.

Si la mid ah tababaraha United Erik ten Hag, tababarayaasha Antonio Conte, Unai Emery, Pep Guardiola iyo Roberto De Zerbi ayaa waayi doona xiddigo muhiim u ah haddii Argentina ay badiso.

Conte iyo taageerayaasha Spurs ayay dhabarjab ku noqon doontaa haddii Cristian Romero oo dhaawac kaga maqnaa shan kulan ka hor Koobka Adduunka islamarkaana Koobka Adduunka taam u noqday oo ciyaaray dhamaan lixdii kulan uu sidoo kale seego kulanka ay la ciyaarayaan Brentford.

ADVERTISEMENT
Share443Tweet277
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.