Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Muxuu Bernando Silva U Diiday Inuu La Dabaaldego Axsaabtiisa Portugal Ka Dib Goolkii 1aad Ee Goncalo Ramos?

by Saed Mohamed
December 7, 2022
0
Muxuu Bernando Silva U Diiday Inuu La Dabaaldego Axsaabtiisa Portugal Ka Dib Goolkii 1aad Ee Goncalo Ramos?

Bernando Silva ayaan asxaabtiisa xulka Portugal kula biirin dabaaldega goolkoodii 1aad ee uu dhaliyay Goncalo Ramos madaama uu ka cabsi qabay in Switzerland ay gool ka dhaliso iyaga.

ADVERTISEMENT

Goncalo Ramos ayaa Portugal hogaanka u dhiibay ka dib baas uu ka helay xiddiga Atletico Madrid Joao Felix.

Laakiin Silva ayaa garoonka ku sii negaaday halka asxaabtiisa Portugal ay ku dabaaldegayeen taageerayaasha agtooda.

Sababta uu xiddiga Manchester City u diiday inuu dabaaldega ku biiro ayaa aheyd cabsi uu ka qabay in gool degdeg ah laga dhaliyo.

ADVERTISEMENT

Sharciga FIFA ayaa dhigaya in ciyaarta ay dib u bilaaban karto haddii kooxda goolka dhalisay aysan ku jirin qeybta garoonka ee kooxda goolka laga dhaliyay.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Bernardo Silva then waited on the pitch as his team-mates celebrated Portugal's first goal

Madaama ay ciyaartoyda Portugal garoonka ka wada baxeen, waxaa loo xisaabin lahaa inaysan ku jirin qeybta garoonka ee Switzerland taasoo u ogolaan laheyd Switzerland inay ciyaarta dib u bilowdo.

Sidaan oo kale waxaa Koobkii Adduunka ee 2018kii sameeyay Kieran Trippier oo ku negaaday garoonka xilli xiddigaha kale ee England ay u dabaaldegayeen goolkii uu Harry Kane ka dhaliyay Tunisia.

Si kastaba, sharci yaqaanada kubada cagta ayaa sheegaya in sharciga 8aad ee kubada cagta inuu dhigayo in ciyaarta ay dib u bilaaban karto kaliya in ciyaartoyda goolka dhalisay ay dhamaantood kuwada jiraan qeybtooda garoonka.

ADVERTISEMENT

Taasoo la micno ah in Silva uu awoodi karay inuu dabaaldega kula biiro asxaabtiisa isagoo aan ka baqeynin in Switzerland ay ciyaarta dib u bilowdo.

Laakiin 28 jirkaan ayaa diiday inuu riski geliyo goolkooda isagoo ku negaaday garoonka qeybta Switzerland islamarkaana Ramos ugu hambalyeeyay garoonka dhexdiisa.

Share692Tweet433
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.