Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Muuqaalka Aan Hore Loo Arag Ee Jamaahiirta Manchester United Ku Arkeen Shaqsiyadda Dhabta Ah Ee Casemiro Kulankii Man City

by Abdiwahab Ahmed
January 17, 2023
0
Muuqaalka Aan Hore Loo Arag Ee Jamaahiirta Manchester United Ku Arkeen Shaqsiyadda Dhabta Ah Ee Casemiro Kulankii Man City

Soo laabashadii Cristiano Ronaldo ee Manchester United waxay ahayd mid fashil ah, laakiin saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ee Casemiro ayaa kooxda ka dhaqaya calool-xumadii ay u hayeen Cristiano Ronaldo, waxaana uu si dhab ah u muujiyey saamayn weyn oo hadda gaadhay heer ay durba taageereyaashu ku tilmaamaan halyeyga Old Trafford.

ADVERTISEMENT

United ayaa Casemiro waxay £70 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Real Marid, balse dad badan ayaa su’aal ka keenay sababta ay kooxdu lacagta intaas le’eg ugu kharash garaysay ciyaartoy ay da’diisu tahay 30 jir, balse muddo kooban ayuu isagu lugtiisa ku bixiyey jawaabta kuwii shakiga gelinayay.

Casemiro oo ah qalbiga khadka dhexe ee Manchester United ayaa waxa uu sawirkiisa dhabta ah taageereyaasha tusiyey ciyaartii Manchester City oo uu sameeyey ficil cajiib ah markii ay guusha gacanta ku dhigeen isaga oo dhinaca kalena ahaa halbowle la halgamay xiddigihii khadka dhexe ee Man City oo dhaqaaqi waayey.

0 Screenshot 2023 01 15 at 134555

ADVERTISEMENT

Kubbad-burburiyahan ayaa markii ay goolka dhaliyeen waxa uu u tegay taageereyaasha Manchester United oo uu ku dheg-dhegay, si weyna ula dabbaal-degay waxaana jamaahiirta kooxda ee aan waqtigaa la socon wixii uu sameeyey ay xilli dambe ka arkeen muuqaal kooban oo lasoo geliyey baraha bulshada oo ay si aad ah uga falceliyeen.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Jamaahiirta kooxda ayaa sidoo kale markii uu laynka garoonka ku dabbaal-degayay waxay u kaceen xiddiga Brazil oo la isku-raacsan yahay in isaga iyo Christian Eriksen ay yihiin kuwa isbeddelka ugu badan ku sameeyey Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, siddeeddii sannadood ee uu Casemiro joogay kooxda caasimadda Spain ee Real Madrid ayaa waxa uu kusoo guuleystay wax walba oo suurtogal ahaa sida Shan Champions League, saddex horyaal oo LaLiga iyo koobab kale oo maxalli ah.

ADVERTISEMENT
Share435Tweet272
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
1

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.