Chelsea ayaa dhabarjab weyn uu soo gaaray ka dib markii ay ka dhaawacmay Raheem Sterling iyo Christian Pulisic kulanka ay haatan la ciyaarayaan Manchester City.
Blues oo ciyaarta ka hor uu ka dhaawacmay Mason Mount oo kulankaan seegay ayaa waxaa daqiiqadii 3aad dhaawac kale uu soo gaaray Sterling halka daqiiqadii 17aad isna uu dhaawacmay Pulisic.
Liiska ciyaartoyda ka dhaawacan Chelsea waxay noqonayaan SIDEED ciyaaryahan taasoo ah musiibo ku habsatay kooxda reer London.
Sterling ayaa waxaa bedelay Pierre-Emerick Aubameyang iyadoo Chelsea ay sidoo kale qasab ku noqotay inay bedel labaad sameeyaan 20kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay.
Christian Pulisic waxaa isna bedelay Carney Chukwuemeka daqiiqadii 22aad ee ciyaarta.
Sideeda Ciyaaryahan Ee Ka Dhaawacan Chelsea:
Armando Broja
Wesley Fofana
Edouard Mendy
Reece James
N’Golo Kante
Mason Mount
Raheem Sterling
Christian Pulisic
Dhaawacyadaan waxay sii murjinayaan xaalada tababare Graham Potter kaasoo cadaadis badan uu saaran yahay madaama Blues ay ka sii fogaaneyso kaalinta afaraad ee loogu soo baxayo Champions League.