Dhibaatada dhaqaale xumada ah ee ku habsatay Barcelona ayaa sababtay in ciyaartoyda kooxdaas lagu qasbo inay sameeyaan mushahar dhimis weyn, isla markaana ogolaadaan in dib loogu noqdo heshiisyadii ay hore ugu jireen, si sharci ahaan meesha looga saaro mushaharkii ay hore u saxeexeen.
Saddex ciyaartoy ayaa muddo dheer iska diiddanaa in ay mushahar dhimis sameeyaan, waxaana ka mid ahaa Gerard Pique oo ugu dambayntii ogolaaday inuu ka fadhiisto ciyaaraha si kooxdiisu uga nafisto mushaharkiisa xad-dhaafka ah.
Waxa se illaa hadda diiddan mushahar dhimista labada xiddig ee Jordi Alba iyo Sergio Busquets oo labadoodaba uu shaki ku jiro mustaqbalkooda oo la sheegayo inay dhamaadka xilli ciyaareedkan tegi doonaan.
Ciyaartoy afraad oo muddo is adkaynayay ayaa isaguna aogolaaday inuu heshiis cusub oo sannad ah saxeexo sidoo kalena uu si weyn hoos ugu dhigo mushaharkiisa, taas oo keentay in hadda uu warbaahinta u sheego in Barcelona ay mushaharka carruurta kulliyadda da’yarta ku jirta oo kale siiso.
Xiddiga boosaska badan ka ciyaara ee Sergi Roberto oo heshiiskiisii cusbaa ee sannadka ahaa ay kaliya lix bilood ka hadhsan yihiin, ayaa waraysi uu siiyey ku yidhi: “Mushaharkayga hadda waxa uu ka dhigan yahay aniga oo kooxda da’yarta (Barca B) tegay oo kale. Waa mushaharkii da’yarta oo kale, laakiin sharaf ayaan u arkaa sababtoo ah aniga ayaa doonayay inaan halkan joogo. Aniga aragtidayda, arrimaha dhaqaaluhu muhiim iima aha.”
Dhinaca kale, Barcelona ayaa waxay isku dayaysaa in ay bishan January wada-hadallo cusub la yeelato Frenkie de Jong si ay ugu qanciso inuu ogolaado mushahar dhimis, maadaama uu yahay ciyaartoyga waqtigan ugu mushaharka badan kooxda.
Sidoo kale, Sergio Busquets iyo Jordi Alba oo ah labada ciyaartoy ee iyagana mushaharkoodu aadka u badan yahay ayaanu mustaqbalkoodu sugnayn.
Busquets ayaa la sheegayaa inuu si xor ah uga tegi doono Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, halka Jordi Alba oo sannadka 2024 uu qandaraaskiisu ku egyahay isagana la sheegayo in kooxdu diyaar u tahay inay iska dirto.