Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

MURUGO: Pele Oo La Geeyey Qolka Meydka & Baroor-diiqda Dunidu Ku Jirto

by Abdiwahab Ahmed
December 3, 2022
2
MURUGO: Pele Oo La Geeyey Qolka Meydka & Baroor-diiqda Dunidu Ku Jirto

Kylian Mbappe iyo Gary Lineker ayaa hormood ka noqdaya baroor-diiq ay gashay dunida kubadda cagtu, waxaana la xaqiijiyey in halyeygii Brazil ee Pele loo qaaday qolka maydka oo kaliya ay hadhsan tahay in lagu dhawaaqo inuu geeriyooday.

ADVERTISEMENT

Pele oo uu ku dhacay xanuunka halista ah ee Kansarka oo uu muddo la daalaa-dhacayay, ayaa waxa toddobaadkii hore loola cararay cusbitaalka si loogu daaweeyo, hase yeeshee dhakhaatiirta  ayaa maanta sheegay in daawooyinku ay waxba ka tari waayeen.

82 jirkan ayaa waxa la sheegay in hadda uu dhimasho qarka u saaran yahay, waxaana jirta suurtogalnimo ah in lagu mudo daawo soo dedejisa dhimashadiisa maadaama uu dhaafay heerkii daawadu wax u taraysay oo uu xanuun badan dareemayo.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in wadnaha Pele aanu shaqaynayn oo uu neefsi iyo dhaqaaq toona aanu lahayn, isla markaana uu geeriyooday balse aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin geeridiisa.

ADVERTISEMENT

Cusbitaalka uu yaallo Pele ee Albert Einstein Hospital ee waddanka Brazil ayaa hore u sheegay in uu ka daaweeyey caabuq uu keenay kansar ku dhacay, balse warbaahinta ayaa sheegaysa in halyeygan saddexda Koob Adduun ku guuleystay uu hadda geeri qarka u saaran yahay amaba uu dhintay oo shaacinta oo kali ahi hadhsan tahay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Dhakhaatiirta ayaa geliyey waxa ay ugu yeedheen xaaladda ‘End-of-life care’ oo ah heer aan wax rajo ah laga qabin inuu noolaanayo, kana sii hoosaysa qaybta dadka naftoodu halista ku jirto ee ‘ICU’ loo yaqaano.

Weeraryahanka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu kaga dalbaday taageereyaasha kubadda cagta inay usoo duceeyaan Mbappe, sidoo kalena halyeygii England ee Gary Lineker ayaa sheegay inuu aad u murugaysan yahay.

Mbappe ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Haloo duceeyo Boqorka.” Sidoo kalena Lineker ayaa yidhi: “Waa war aad u murugo badan.”

Pray for the King 👑🙏🏽🇧🇷 @Pele

— Kylian Mbappé (@KMbappe) December 3, 2022

ADVERTISEMENT

Kabtanka xulka qaranka qaranka England ee Harry Kane ayaa isaguna ku biiray dadka farriimaha  murugada leh diray.

Pelé has been moved to end-of-life care after he stopped responding to chemotherapy, reports @folha pic.twitter.com/98TFIvvpRN

— B/R Football (@brfootball) December 3, 2022

Pele ayaa sannadkii 1958kii waxa uu xulka qaranka Brazil kula guuleystay Koobka Adduunka iyadoo ay da’diisu ahayd 17 jir, waxaanu mar kale la qaaday 1962kii waana dalka kaliya ee laba jeer oo isku xigta ku guuleystay Koobka Adduunka. Mar saddexaad ayay sannadkii 1970kii ku guuleysatay Brazil Koobka Adduunka iyadoo uu hoggaaminayo Brazil.

Rikoodhka diiwaangashan ee FIFA ayaa waxa Pele ugu kaydsan 831 ciyaarood inuu dheelay intii u dhaxaysay 1957kii illaa 1977kii, waxaana uu dhaliyey 757 gool, balse kooxdiisii Santos ayaa ku andacootay inuu dhaliyey 1,000 gool.

Share816Tweet510
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Comments 2

  1. Mohammed Haji Daad says:
    2 months ago

    Pele Waa Arrin Qofwalba Uu Dhiimmanayo Arriintisu Hada Balse Qofwalba Waa U Dhimanya Qofna Waqtigii Loogu Talagalay Dhaafi Maayo Balse Qofwalba Naxarista Ee Waa U Baahanyahay Haddii U Dhinto Ee Ha U Gargaaro Aayanu Leenahay

    Reply
  2. Faarax farxaan says:
    2 months ago

    @maxamed xaaji daad

    Kkkkkkkkkk saaxiib maxamad gaal ma galo in loo murugoodo ama loo duceeyo ee saaxiib ducadaada iyo murugaadsba dib ula noqo.

    War waxaad tirri qof walba naxariis buu u baahan yahay kkkkkkkkkkkkkkkkk, saaxiib maxamad kii maxariis u baahan wuxuu qaadan lahaa diinta islaamka oo wuxuu raaci lahaa rasuulkii Eebe markaas buu naxariiis mudan yahay, ee gaal naxariista Eebe ma mudna mana loogu duceeyn karo.

    Marka saaxiib maxamad adigga iyo kuwa page-kaan iska lehba waxaan idin leeyahay gaal looma murugoodo in loo ooyo ama loo tacsiyadeeyo waa dambi in loo duceeyana warkeedba daayee, saaxiib kheyr baan kuu rajeeyn iyo cilmi.

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.