Nin dhalinyaro ahaa oo u dhashay dalka Masar ayaa geeriyooday isagoo ku dabaaldegaya bartamaha magaalada Qaahira ka dib markii Argentina ay ku guuleysatay Koobka Aduunka.
“Nin da’ yar oo ka soo jeeda degmada Shubra ayaa geeriyooday labo saacadood ka dib kulankii Argentina iyo France sababo la xiriira farxad xad-dhaaf ah uu dareemay ka dib guushii Leo Messi” ayuu yiri dhakhtarka wadnaha Gamal Shacban oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook.
“Waa qasab inaan cashar ka barano wixii dhacay, uma baahnin inaan ka badbaadino soo bandhigida murugadeena ama farxadeena” ayuu qoraalkiisa raaciyay dhakhtarka.
Marxuumka oo 26 sanno jir ahaa ayaa lagu magacaabayay Mostafa Abdel Aal, wuxuu meel qaxwaha laga cabo oo ku taala bartamaha qaahira uu ka daawanayay finalka isaga iyo asxaabtiisa, wuxuuna baraha bulshada ku soo qoray qoraal uu ku amaanayo Messi islamarkaana uu ku sheegayo inay tahay maalintii ugu fiicneyd noloshiisa.
Wax yar ka dib, waxa uu Mostafa ku dhacay dhulka iyadoo wadno xanuun uu ku soo booday, waxaana loola cararay cusbitaalka halkaasoo uu ku geeriyooday iyadoo dhaqaatiirta ay sheegeen in wadno xanuunka uu sababay farxad xad-dhaaf ah uu dareemay oo loo yaqaano”happy heart syndrome,” sida uu yiri dhakhtar Shacbaan oo sidoo kale ahaan jiray agaasimaha machadka qaranka ee dhakhaatiirta wadnaha.
Maalintii Axada Argentina ayaa kor u qaaday Koobka Aduunka ka dib markii ay rigoore ku garaaceen France iyadoo 120kii daqiiqo ee ciyaarta la isla dhaafi wayay barbaro 3-3 ah.