Da’yarka garabka weerar ee ree Ukraine ee Mykhailo Mudryk ayaa ugu dambayn daboolka ka qaaday hammiga ugu weyn ee uu kooxdiisa cusub ee Chelsea ka leeyahay.
Mudryk ayaa mudadii ugu dheerayd lala xidhiidhinayay kooxda ay Chelsea wada degaan London ee Arsenal balse ugu dambayn ka degay Stamford Bridge.
Mykhailo ayaa shalay bilaabay tababarka Blues waxaana la filayaa in kulankiisa koowaad noqdo mid ay Liverpool ku booqanayaan Anfield Sabtida.
Mudryk ayaa markii ugu dambaysay ee uu kulan tartan ah ciyaaro ay ahayd bishii November taas oo ku sababi karta macalin Graham Potter inuu qiimayn ku sameeyo diyaar ahaanshihiisa kulanka Liverpool.
Mudryk ayaa Chelsea ugu biiray heshiis 62 Milyan oo pound ah oo ugu dambayn marka gunnooyinka shuruudaha ku xidhan lagu daro 88 Milyan oo pound noqon kara.
Mudryk oo sababta uu Blues ugu wareegay ka hadlay ayaa sheegay inay Chelsea tahay koox weyn hammigiisuna yahay inuu koobab kula guuleysto kooxdaas.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo oo aan qayb ka noqdo mashruuca Chelsea” ayuu hadalkiisa ku bilaabay 22 sano jirkaasi.
“Tani waa koox weyn aniguna waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo, waxaan doonayaa inaan isku dayo oon kooxda ka caawiyo inay koobab ku guuleysato, waxaan isku dayayaa inaan ciyaartayda horumariyo si aan markasta waxa ugu wanaagsan ugu sameeyo Chelsea”.
“Waayahayga ciyaareed markasta wuxuu diirada saarayay dadaal taasina waa sababta aan halkan ku joogo, dadaadlku wax aad u weyn ayuu ii yahay aniga iyo wax aan markasta isku dayayay inaan sameeyo”.
“Kulan kasta oo Premier League ahi wuu adag yahay balse dhab ahaan ma sugi karo inaan bilaabo”.