Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Champions League

“Muddo Dheer Ma Arag Khad Dhexe Oo Isaga Oo Kale Ah” – William Gallas Oo Amaan Ugu Qubeeyey Xiddig Ingiriis Ah Ka Hor Kulanka England vs France

by Abdiwahab Ahmed
December 7, 2022
0
Wiiliam Gallas

Wiiliam Gallas

Halyeyga reer France ee William Gallas ayaa amaan kula dul-dhacay xiddig ka tirsan xulka qaranka England oo khadka dhexe ka ciyaara ka hor ciyaarta adag ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka ee dalkiisu uu ka hor tegayo Ingiriiska.

ADVERTISEMENT

Labada xul ee awoodda badan ee England iyo France ayaa isku dhacay, waxaana uu midkood u gudbi doonaa semi-finalka halka uu waddanka kalena macasalaamayn doono tartanka.

William Gallas oo ka mid ahaa xiddigihii xulka Faransiiska ee Koobkii Adduunka 2006 ee finalka soo gaadhay, ayaa waxa uu sheegay in aanu muddo dheer arag khad dhexe oo la mid ah laacibka khadka dhexe uga ciyaara England ee Declan Rice oo uu tababare Gareth Southgate kusoo bilaabay dhamaan afartii kulan ee Ingiriisku ciyaaray illaa hadda.

23 jirkan oo West Ham u saftay 215 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, una dhaliyey 11 gool iyo 12 caawimood oo uu sameeyey, ayaa waxa uu William Gallas ku tilmaamay ciyaartoy aan baqasho lahayn, tayadiisuna sarrayso.

ADVERTISEMENT

“Declan Rice waxa uu ku jiraa xulka England, mana jirto cid ka hadlaysa isaga, laakiin waa ciyaartoy aan la rumaysan karin.” Ayuu yidhi William Gallas, waxaanu sii raaciyey: “Waxa uu qabanayaa isla shaqadii West Ham oo kale, mana garanayo sababta uu wali halkaa [West Ham] usii joogo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

“Muddo dheer ma arag khad dhexe oo isaga oo kale ah, waa ciyaartoy xooggan, awood badan oo farsamadiisana aan la rumaysan karayn.”

ADVERTISEMENT
Share408Tweet255
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.