Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Mucjisada Morocco Ee Ka Yaabiyey Luis Enrique Oo Kusii Jeeda Horyaalka Premier League & Barcelona Oo Lagu Garaacayo

by Abdiwahab Ahmed
December 14, 2022
0
“Alla Wanaagsanaa! Xagee Ayuu Ka Yimid Kani?” – Xiddiga Morocco Ee Aanu Hore U Maqal Luis Enrique Ee Haddana Ka Yaabiyey

Mucjisada khadka dhexe ee xulka qaranka Morocco ee Azzedine Ounahi ayaa kusii jeeda horyaalka Premier League, xilli ay jiraan kooxo badan oo ay ka  mid tahay Barcelona oo si weyn u doonaya, kaddib bandhigga cajiibka ah ee uu ka sameeyey Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Luis Enrique ayaa Azzedine Ounahi ku sifeeyey ciyaartoyga ka yaabiyey intii uu socday Koobka Adduuunku, waxaana uu ahaa laacibkii kala gooyey khadka dhexe ee Spain ciyaartii wareegga 16ka ee ay rikoodheyaasha ku reebeen.

Azzedine Ounahi oo ka mid ah xiddigaha Morocco ay u diyaarsatay kulanka caawa ee Faransiiska ee semi-finalka Koobka Adduunka, ayaa waxa bisha January uu u dhaqaaqi doonaa horyaallka Premier League sida uu kusoo warramayo telefishanka Sky Sports, waxaana qasnaddeeda u jabinaysa Leicester City oo ka bixinaysa 45 milyan oo Euro.

Ounahi oo u ciyaara kooxda horyaalka Faranisiska ee Angers ayaa waxa la sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyey ay mashquul ku ahayd dalabyo badan oo soo gaadhayay oo laga soo gudbinayay Azzedine Ounahi, waxaana midkii ugu dambeeyey ee ugu qiimaha sarreeyey uu ka yimid Leicester City oo 45 milyan oo Euro lasoo shir  tagtay.
Madaxweynaha Angers oo lagu magacaabo Said Chabane ayaa waxa uu sheegay in telefoonkiisu aanu mar kaliya joojinayn garaaca oo uu mashquul yahay, isla markaana ay dawakhiyeen dillaaliinta iyo kooxaha waaweyn ee Yurub ee soo wacaya.

Wargeyska L’Equipe ayaa waxa uu isaguna xaqiijiyey, in Leicester City ay diyaarisay dalab weyn, iyadoo ciyaartoygan oo qiimaha uu suuqa ka taagnaa ka hor Koobka Adduunku uu ahaa 3.5 milyan oo Euro uu hadda marayo 45 milyan oo Euro oo uu qiimihiisu cirka isku shareeray usbuucyo kooban gudahood.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023
Share390Tweet244
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.