Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Morocco Oo Dharbaaxo Weyn Ku Dhufatay Xulka Shayaadiinta Cas Cas Ee Belgium Hogaankana U Qabatay Group F

by Saed Mohamed
November 27, 2022
0
Morocco Oo Dharbaaxo Weyn Ku Dhufatay Xulka Shayaadiinta Cas Cas Ee Belgium Hogaankana U Qabatay Group F

Xulka Morocco ayaa guul taariikhi ah oo aysan ilaawi doonin ka gaaray xulka lagu naaneeso Shayaadiinta Cas Cas ee Belgium iyagoo ku garaacay 2-0 islamarkaana hogaanka u qabtay Group F.

ADVERTISEMENT

Morocco oo barbaro ku bilaabatay Koobka Adduunka ayaa baadigoobeysay guusheedii ugu horeysay Koobka Adduunka ee muddo ka badan 20 sannadood.

Ciyaarta qeybteedii hore ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, laakiin tababaraha xulka Morocco ayaa bedelo sameeyay qeybtii labaad taasoo wax weyn ka bedeshay ciyaartooda.

Sabiri oo bedel ku soo galay ayaa hogaanka u dhiibay Morocco daqiiqadii 73aad ka dib markii uu Courtois ka dhaliyay kubad laad xor ah aheyd, iyadoo dabaaldega goolka uu ruxay garoonka.

ADVERTISEMENT

Belgium ayaa goolka ka dib isku dayaysay inay ciyaarta ku soo noqoto, laakiin weerarkeeda waxa uu ahaa mid aan ilko laheyn oo bilaa natiijo ah.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Morocco ayaana ciyaarta hurdo u dirtay waqtigii dhimashada ciyaarta markii xiddiga kale ee bedelka ku soo galay Aboukhlal uu shabaqa meel kore ka toogtay ka dib kubad loo soo celiyay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Morocco ku suuldaartay xulka Belgium oo halis ku jira haatan inkastoo ay badiyeen kulankoodii furitaanka ee Group F.

Morocco ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay ee Koobka Aduunka tan iyo 1998kii, waana guushoodii 3aad abid ee Koob Adduuka inkastoo ay ciyaareen 18 kulan.

Morocco waxay guruubka ku hogaamineysaa afar dhibcood, halka Belgium ay ku jirto kaalinta labaad iyagoo leh 3 dhibcood. Balse isbedel ayaa imaan kara madaama Canada iyo Croatia ay goordhow ciyaari doonaan.

ADVERTISEMENT

Morocco waxay dan weyni ugu jirtaa in Canada iyo Croatia ay barbaro galaan kulankoooda maanta.

Share282Tweet176
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.