Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Morocco Oo Dalbatay In Lagu Celiyo Ciyaartii Faransiiska Iyo Dacwadda Ay U Gudbiyeen FIFA

by Abdiwahab Ahmed
December 15, 2022
1
Morocco Oo Dalbatay In Lagu Celiyo Ciyaartii Faransiiska Iyo Dacwadda Ay U Gudbiyeen FIFA

Morocco ayaa ka dalbaday xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA in lagu celiyo ciyaartii semi-finalka Koobka Adduunka ee Faransiisku uu kaga badiyey 2-0, taas oo ay ku doodeen in lagula kacay caddaalad-darro.

ADVERTISEMENT

Laba gool oo labadii qaybood ay kala dhaliyeen Theo Hernandez iyo Randal Kolo Muani ayaa Faransiiska siiyey guul 2-0 ah, halka Morocco oo taariikh cusub ka samaysay Koobka Adduunka ay sidaas ku hadhay, iyaga oo noqday dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee soo gaadha semi-finalka.

Saacado kaddib ciyaartii Faransiiska, Morocco ayaa dacwad ka gudbisay garsoorihii ciyaarta hayay ee Cesar Ramos oo ay sheegeen in uu kula kacay go’aamo caddaalad-arro ahaa, isla markaana uu ka eexday, waxaanay ka dalbadeen FIFA in lagu celiyo ciyaartaas.

Xidhiidhka  kubadda cagta Morocco ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in garsoore Cesar Ramos uu ka diiday rikoodhe caddaan ahaa qaybtii hore markii uu Theo Hernandez lugta ku dhuftay Sofiane Boufal. Garsoore ayaa kaadh digniin ah siiyey Boufal halkii uu uga dhigi lahaa rikoodhe.

War-saxaafadeedka uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Morocco ayaa waxa kale oo lagu sheegay in garsoorihii dhexe ee ciyaarta iyo garsoorka VAR ay labaduba sameeyeen qaladaad waaweyn, sidaas darteedna ay tahay in lagu celiyo ciyaartaas oo loo dhiibo garsooreyaal dhexdhexaad ah.

Waxa kale oo uu xidhiidhka kubadda cagta Morocco sheegay in khubaro badan oo garsoor oo dib u daawaday go’aamadii ciyaarta, gaar ahaan qaladkii weynaa ee Theo Hernandez iyo Boufal.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
Share674Tweet421
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Comments 1

  1. Abdihakiim aweys noor says:
    2 months ago

    Marrocco

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.