Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa ku kaftamay haddiiba daafaca kooxdiisa ee Ibrahima Konate uu weydiisanayo xogo ku saabsan Kylian Mbappe kahor kulanka siddeed dhammaadka koobka aduunka ee England v France.
France oo kasoo gudbay Poland iyo England oo soo dhaafay Senegal ayaa ku ballansan wareega xiga xilli xulka saddexda libaax cabsida ugu weyni ka hayso garabka weerar ee Les Bleus ee Mbappe.
Henderson ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ugu soo bilawday England halka uu goolka furitaanka kasoo dhaliyay Senegal oo ay 3-0 kusoo dardareen.
Dhinaciisa Ibrahima Konate ayaa dhammaan saddexdii kulan ee Group-yada kasoo muuqday France kahor intaan keydka la dhigin kulankii Poland.
Henderson oo beIN Sports la hadlayay ayaa amaanay France waxaana uu yidhi isagoo ugu horreynba arrinta Konate ka hadlaya “Maya, uma malaynayo inuu nasiin doono wax ku saabsan Mbappe, waan hubaa”.
“Waa xul heer caalami ah, xul darajo caalami ah jooga, Mbappe laga yaabaa inuu ku jiro qaab ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa, waa midka ugu fican dunida wakhtigan isaga iyo Messi”
“Waa ciyaartoy cajiib ah balse markaad eegto dhammaan boosaska xulka, iyagu waa hormoodka dunida haatan anagana tijaabo aad u adag ayay nagu noqon doontaa”.